War weyn….Madaxweyne Siilaanyo Oo Xaqiiqsaday In Caleentiisii Cadaatay Kana Qaybgali Karin Taranka Doorashada

madaxweyne-Siilaanyo660

Hargeysa-(SM):-Madaxweyne Siilaanyo ayaa  ayaa bilihii u dambeeyay si cad u Xaqiiqsaday in aanu ka qayb gali Karin Tartanka Doorashada  Dalka ka qabsoomi doonta Sanadka soo socda.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxa hoos u sii dhacaya  Kalsoonidii ay Bulshada Somaliland ku qabeen Xukuumada Siilaanyo, waxaana bilihii ugu dambeeyay Dalka ka curtay Dufaano Siyaasadeed iyo Dabaylo Isbadal doon oo ay bulshada Somaliland kaga soo horjeedaan Xukuumada Fadhiidka ah ee Siilaayo.

Dhinaca kale Bulshada Somaliland ayaa si weyn uga Qaylisay Musuqmaasuq, Qabyaalada iyo  Boobka Hantida Qarank ee ay ku kacday Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo,  iyadoo dhawrkii bilood ee u dambeeyay ay kor u sii kaceen Boobka iyo Xaraashka lagu hayo Guryaha Dawlada.

Madaxweyne Siilaanyo oo muuqda inuu ka rajo beelay in uu Mar kale ka qayb galo Tartanka Doorashada inagu soo Fool leh,  ayaa waxa ku dhacay Jahawareer Siyaasadeed, iyadoo aanu Madaxweyn Siilaanyo  Waxba kala socon Xaalada Qasan ee Dalku ku sugan yahay, Waxaana muuqa in Dalku gacanta u galay Koox Calooshood u shaqaystayaal ah oo iyagu ku Mashquulsan Boobka Hantida Ummada,  Kooxdaas oo intooda badan ay isku Beelyihiin Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale  Xukuumada Siilaanyo ayaa Xadhig iyo Cagojuglayn ku haysa  Muwaadiniinta Fikirkooda Cabira  ama ku biira  Xisbiyada Mucaaridka ah, islamarkaana waxa wali Xabsiga ku jira dhawr Wariye oo ay Xukuumada Siilaanyo  ku tuhuntay  in  ay  Baahiyeen  Warar aanay Xukuumadu jeclaysan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa laba maalmood ka hor wuxuu Wasaarada Warfaafinta ka jeediyay Khudbad Calaacal iyo Cabasho u badan, isagoo aan Marnaba aan soo hadal qaadin  dhibaatooyinka faraha badan ee Dalka ka taagan, Sida  Xadhiga iyo  Cabudhinta ay Xukuumadiisu ku heyso Muwaadiniinta iyo Saxaafada Madaxa banana Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa