Wararka Maata oo kooban halkanka eeg….

maqaal

Wararka Maata:

Hay’adda qaxotiga adduunka ee UNHCR waxa ay bilaabaysaa ol’ole cusub oo mudo toban sano ah soconaya oo ay ugu tala gashay in wax lagaga qabto dadka aan dalalalka lahayn ee aan baasaboorada ama dhalashooyinka haysanin.

War saxaafadeed ay soo saartay hay’addu waxaa lagu sheegay in ay maanta dunida ku noolyihiin dad ka badan 10 Million oo qof oo aan haysanin hanaan caafimaad, mid waxbarasho iyo xuquuq siyaasadeed.

Waxaa kamid ah dadkaasi, dadka ku dhashay xeryaha qaxootiga.Madaxa sare ee hay’adda Antonio Guterres, waxa uu ku dooday in dawladduhu ay siiyaan dhalashooyin caruurta ku dhalatay wadamadooda ee aan lahayn dalal kale oo xukuumado ka jiraan.Waxa uu intaas ku daray in wadamo badan ay noqonayaan kuwo ay hoos u sii dhacayso arrimaha takoorka.

 

  • Doorashooyinkii Galayaasha Mareykanka:

Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa u muuqda mid guul ka gaaraya doorashooyinka dhexe ee dalkaasi ka socda. Xisbiga ayaa u baahan in uu ku guuleysto lix kursi si uu hogaanka ugu qabto aqalka Senate-ka.

Laba ka mid ah kuraastaasi waaba ay ku guuleysteen, mid kalana qarka ayay u saaran yihiin. Hogaamiyaha xisbiga jamhuuriga ee aqalka senate-ka, Mitch McConnell ayaa did ugu guuleystay kursigiisa gobolka Kentucky.

In kasta oo doorashada dhexe loogu jiro dhammaan kuraasta aqalka wakiilada ee Mareykanka, ayaa haddana waxaa si gaar ah indhaha looga hayaa golaha senate-ka, gaar ahaan lixda kursi ee uu xisbiga Jamhuuriga u baahan yahay si uu hoggaanka ugu qabto aqalka senate-ka.

Labada xisbi siyaasadeed ee Mareykanka ugu waaweyn ayaa malaayiin dollar oo ka badan lacagtii horay loogu bixin jiray ololaha doorashada dhexe ku bixiyay loolanka adag ee ay ugu jiraan kuraasta aqalka senate-ka gaar ahaan kan gobolka Iowa.

In kasta oo aanu doorashadan dhexe u sharaxneyn, ayaa haddana dadka intiisa badan waxa ay u arkaan mid tusaale u ah waxqabadka madaxweyne Barack Obama,

Taariikhduna waxa ay na bareysaa in doorashada dhexe ee Mareykanka uu guul ka gaaro xisbiga mucaaradka ah.

In kasta oo aan si dhab ah loo hubin isbedelka siyaasadeed eek a dhalan kara haddii xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga uu gacanta ku dhigo labada aqal ee uu ka kooban yahay Congress-ka Mareykanka, ayaa dhanka kale dadka adoroosa siyaasadda Mareykanka waxa ay saadaalinayaan in xisbiga ay u suuragali karto hanashada hogaankaasi.

 

  • Somaliland iyo saxaafada Maanta

 

Xukuumada Somalilaand waxaa baryahan danbe lagu eeday nayaa in ay cunaha iskaga duubtay saxaafadii xorta ahad ee ka hirgalijirtay dhamaan dalka Somaliland.

Kadib markii ayaamo kahor ay xukuumadu xabsiga utaxaabtay wariyayaal kakala socda wargayska haatuf iyo TV home cable oo ayagu ka soo waramayay gobolka Gabilay kuwaasoo lagu eedeeyay in ay meekaga dhaceen anshaxii iyo hanaankii saxaafadeed ee Somali8land.

Waxaa iyaguna dhinacooda beeniyay arintaa eeda ah ururka saxaafada ee Somaliland.

Balse waxaa layaab ah in xukuumadatalada dalka haysaa isku dayayso in ay cunaha iskaga duubto saxaafada iyadoo wasiirka saxaafadu uu qabtay shir jaraaid oo uu ku sheegayo in xukuumadu soo saartay xeerar ay ku tilmaantay xeerarka anshaxa ee saxaafada maddaxa banana, suaashu waa xukuumadu xaq ma uleedahay in ay xeerar soo saarto, miyaan dalku lahan baarlamaan sharci sameeyayaal ah.

Waxaa cajiib ah xukuumadani markay ahaan jirta mucaaradka waxay ku doodijirtay saxaafada in aan lacabudhin, imikana iyadaa cuno qabataynaysa waa cajiib.

 

Waa Qalikii Buuni

By: Abdirahman Ismail

Â