Wararka Maata oo Salaasaa iyo Somaliland waxa cusub..

news

Wararka Maata iyo Somaliland:
Magaalada Hargeysa, waxaa maalintii labaad galay shir ay leeyihiin deeqbixiyayaasha iyo Somaliland.Shirka ayaa lagaga doodayaa mashaariicda ay Somaliland ka helayso waxa loo bixiyay NEW Arrangement.Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa muhiimadda shirkan iyo waxa looga hadlayo waxa uu ka wareystay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

· Xarun lagu baaro Ebola oo laga furay Wajaale:
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ka furtay magaalada Wajaale ee ku taalla xuduuda Itoobiya bar caafimaad oo dadka soo gelaya dhinaca Somaliland lagaga baaro cudurka Ebola.Horay waxaa u jirtay bar caafimaad oo gegida dayuuradaha ee Hargeysa rakaabka dibedda ka imanaya lagaga baaro cudurka Ebola ee faraha ba’an ku haya dalal ku yaalla Galbeedka Afrika.Halkan ka dhagayso uu BBC-da siiyey agaasimaha waaxda cudurada faafa ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Abiib Adam Nuur, Axmed Siciid Cige ayuu u waramay.

· Switzerland oo Dhaqaale u Ballanqaaday Somaliland:
Dawlada Switzerland ayaa maanta sheegtay in ay laba million oo dollar ku kordhin doonaan dhaqaalaha laga maalgaliyo Somaliland ee ay gacanta ku hayaan baanka aduunka ee loo yaqaan Trust Fund.

Go’aankaasi waxaa maanta shaaca ka qaadey wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Switzerland , Yves Rossier iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tegey magaalada Hargeisa, kulanna la yeeshey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

· Qaxooti Ku Dhintay Doon Ku Degtay Xeebta:
Doon la aaminsan yahay inay saarnaayeen dad qaxooti ah oo ayaa ku degtay xeebta dalka Turkiga, waxana la sheegay ugu yaraan 24 qof inay dhinteen.

Ciidamada xeebaha ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay badbaadiyeen 7 qof kadib markii doontu ay ku degtay Isniintii Badda Madow gaar ahaan Gacanka Mosphorus.Shaqaalaha gurmadka ayaa sii wada baadi-goobka rakaabka doonta waxayna adeegsanayaan doonyo iyo helikobtarro.Ma cadda sababta keentay in doontu degto iyo tirada saxda ah ee dadka saarnaa.Turkey waa waddan ay ka gudbaan dadka qaxootiga ah ee tagay waddamada Midowga Yurub.

· Hablo Macalimiina oo Muqdisho lagu Toogtay:
Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay toogashooyin kala gaar gaar ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.

Mid ka mid ah toogashooyinka ayaa dablay wadatay dhugdhuglay ama mooto oo ku hubaysnaa bastoolado waxay toogteen laba gabdhood oo la sheegay inay macallimiin ka ahaayeen xarun dhallaanka wax lagu baro oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.Toogashada labaad ayaa iyaduna ka dhacday agagaarka xaafadda Buulo-Xuubay ee Muqdishu, waxaana ku dhintay qof rayid ah, saddex kalena way ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.Guddoomiyaha Degmada Dharkeynlay ee magaalada Muqdisho Axmed Maxamed Cumar ayaa toogashada gabdhaha macalimiinta ah uga waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

 

Waa Qalinkii:

Abdirahman Ismail ( Buuni )