Wariye Nuure Maxamed Cali oo la dhaawacay laba jeerna qaliin lagu sameeyay (SAWIRRO)

Nuure
Nuure1

Wariye Nuure Maxamed Cali oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaari nooca raaxada oo uu watay, ayaa waxaa xaaladiisa caafimaadeed wax looga qabanayaa Isbitaalka Madiina ee Degmada Wadajir.

Wariyaha, ayaa waxaa laga jaray lugtiisa midig, ka gadaal markii uu si xun u waxyeeleeyay qaraxii gaariga loogu xiray. Sidoo kale qaybaha timthumbkale ee jirkiisa, ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawacyo fudud.

Drs. Duniya Cali Maxamed, Madaxa Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina, ayaa waxay Warbaahinta u xaqiijisay inay soo hagaageyso xaalada caafimaadeed ee Suxufiga.

Duniya, ayaa waxay sheegtay in laba goor qaliin lagu sameeyay Suxufiga, si wax looga qabto xaaladiisa caafimaadeed, taasina ay horseeday inuu bilaabo ka soo kabshada waxyeeladii ka soo gaartay qaraxa.

Waxaan jirin cid sheegatay masuuliyada lagu dhaawacay Wariyaha ka tirsan Wariye-yaasha degan Magaalada Muqdisho, waxayna tani qayb ka tahay dhibaatada ka dhanka ah bahda Wabaahinta.

Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa 12-kii bishii hore ee October la dhigay Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black), markii dabley hubeysan ku weerartay afaafka hore ee hoygiisa, oo uu ku sugnaa.

Dhinacyada isku haaya siyaasada murugsan ee Somaliya, ayaa waxaa lagu riixaa inay ka masuul yihiin waxyeelada ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo Warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliya.

 

Salaanmedia/Moqdisho