Warsaxafadeed Xisbiga UCID ”Waxanu Wasiir Cali Warancade Ku Canbaaraynaynaa Falkii Waxshinimada Ahaa Ee Uu Kula Kacay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Berbera:

maqaal

Waxanu Wasiir Cali Warancade Ku Canbaaraynaynaa Falkii Waxshinimada Ahaa Ee Uu Kula Kacay Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Berbera:

Waxaan halkan canbaarayn uga soo jeedinayaa anigoo ku hadlaya Afka Xisbiga UCID ee UK Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade oo shalay fal waxshinimo ah kula kacay xildhibaanada golaha deegaanka Berbera, ka dib markii uu u dalbaday askartiisii la socotay, iyagoo markaa xildhibaanadu gudanayay hawl maalmeedkooda shaqo kuna socday xafiiska maayirka Berbera.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo magaalada Berbera u tagay arrin shalay ka dhacday magaalada Berbera, arrintaas oo ah ka dib markii shalay koox ganacsadayaal xoolaha dhoofiya ay weerar ku qaadeen niban kale oo ganacsadayaal xoolaha dhoofiya ah oo duleedka Berbera ka samaysanayay maxjar cusub, murankan iyo xurguftan ayaa wuxu salka ku haysa ganacsatada xoolaha dhoofisa oo qolowalba ay doonayso in ay maxjar gaar ah samaysato.

Hadaba Wasiirka Arrimaha Gudaha halkii uu arrinta ka dajin lahaa ayuu mushkiladii taagnayd wuxu ku sii daray in uu labada xildhibaan ee golaha deegaanka Berbera ee kala ah Saleebaan Cali Khayre iyo Iid Saleebaan Cali uu ku dalbado ciidankiisii istaafka u ahaa ka dibna ay dhaawacyo fudud u gaystaan 2 Xildhibaan, arrintaasi waxay ka hor imanaysaa sharciga iyo dastuurka qaranka Somaliland, sababtoo ah xildhibaanku wuxu huwanyahay xasaanad, waxaana soo doortay shacab. Waa danbi cad oo laga galay xildhibaanada iyo Qaranka Somaliland-ba.

Wasiir Cali Warancade waxaan leeyahay habeen horena waxaan Tv-ga kaa daawanayay adigoo ka hadlaya Xafladii sanad guuradii 21 ee ciidanka Booliska Somaliland, oo hadalo hanjabaad duurxul ah aad ku lahayd Labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka oo aad ugu hanjabtay in aad jeelal fog fog ku xidhi doonto. Intaa waxa raaca cabudhinta iyo caga juglaynta aad ku hayso saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland, oo wiigan gudihiisa aad xidhay 3 wariye, Hadaba Wasiir Cali Warancadow waxaan ku waydiinayaa ma waxa tahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland mise waxa tahay oo aad ismoodaysaa ama u dhaqmaysaa sidii Taliyihii Nabadsugida ee NNS-ta Gobolka Waqooyi Galbeed waqtiyadii 1988?, Wasiir ha lagugu dhaarto in aad Wasiir u tahay Dal Dumuqraadi ah oo la yidhaahdo Somaliland, Shacabka Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID waxaan ugu baaqayaa in ay ka dhiidhiyaan dhaqan xumada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo cadaysatay in ay ku tumato sharcigii Dalka u yaalay.

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda
Ee Xisbiga UCID Laanta UK
warfaa_101@hotmail.co.uk