Warsaxafadeed..Xisbiga Waddani UK, oo ku Baaqay Mooshin Maamus ka Xayuubin ah oo ka dhan Madaxweyne Siilaanyo.

Xisbiga Waddani UK, oo ku Baaqay Mooshin Maamus ka Xayuubin ah oo ka dhan Madaxweyne Siilaanyo.image

Xibiga Mucaaradka ah ee Waddani UK ayaa Xukuumadda Silaanyo ku eedeyay in ay ku hawlantay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), Waxa kale oo Warbixinta lagu naqdiyay Khudbadii Madaxweynaha Somaliland uu Todobaad kan Jeediyay.

Haddaba Qoraalkan oo uu ku sexeexanyahay Gudoomiyaha UK, Mudane Xuseen Aadan Cadde oo la soo Gaadhsiiyay Salaanmedia xafiiska  London ayaa waxa uu u qornaa sidan:-

Sida aynu ka warqabno,Somaliland Baryahanba waxa jiray Xiisad dhinaca Golaha Wakiilada ah, oo marba Waji loo samaynayay,Xasaradan Marba waxa laga soo aloosayay Guriga Madaxweyne Kuxigeenka, iyada oo aad moodo in uu baryahan danbe Madaxweyne kuxigeenku u xuubsiibtay kala qaybinta Golaha Wakiilada iyo hurinta rabshadaha Baarlamaanka waayadan ka jiray.

Waxaynu wada ogsoonahay in aynu nahay, shacab ahaan Beelo isu tagay,isla markaana nidaamkeena iyo sida aynu wax u qaybsanay waxa aynu ku salaynay Beelo,Sadexda Kursi ee u sareeya laba ka mid ah waxa ku fadhiya, laba masuul oo isku hayb ah oo haddana isku Xisibi ah, waxa ay Maanta u tafaxaydanyihiin in ay kursigii sadexaad ee Baarlamaankana ku darsadaan, arintaasi oo dhaawacaysa isu dheelitirka hanaanka Dawladeed ee Somaliland.

Waxaanu si dhaw ula soconay dhaqdhaqaaqyo uu Wado Madaxweyne kuxigeenku isaga oo dhawrkii maalmood ee u danbeeyay uu ku shirinayay Gurigiisa uu Hargaysa ka daganyahay koox wasiira ah oo uu u xushay in ay kasoo shaqeeyaan sidii ay Markale golaha ugu soo celin lahaayeen Mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, taasi oo ay ku bayaacayaan qadar lacag ah Xilaabanada golaha wakiilada, si ay u fushadaan dano gaar ah oo ay arintan ka leeyihiin.

Mudne Cabdiraxmaan Saylici, baryahan danbe waxa uu u tafaxaytay in uu ku tagri falo, lacagta Cashuurta ah ee laga qaado dadka danyarta ,Waxaanu leenahay,arinkaasi waa mid ka hor imanaya wixii aad kitaabka ku martay waana arin Khiyaamo qaran ah oo lagugula Xisaabtamayo.

Waxa kale oo aanu iyana naqdinaynaa, Hadalkii ama Khudbadii uu Madaxweynuhu Maalintii dhawayd warqada uga akhriyay Shacabkiisa,runtii airntani waxa ay nagu sii abuurtay dareenkii aanu hore u qabnay ee ku saabsanaa ka warhaynta shacabkiisa iyo xaalada dhabta ah ee Madaxweynaha Somaliland.

Ciyi waa ka baryay iyo wax aan ummadda Somaliland qaban ayaanu u aragnaa in uu Madaxweynaha Somaliland ka hadlo, dhacdadii Qorulugud laba Bilood iyo dheeraad ka dib, waxa ay muujinaysaa sida ay u dayacantay Masuuliyadii ummadda ee lagu aaminay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Arinta kale ee aanu saluugsanahay, waxa ay tahay sida uu Madaxweynuhu u sahashaday tabashadii Shacbi weynaha Reer Awdal o aanu u aragno, in Tabashada ay soo gaadhsiiyeen odayaasha Reer Awdal aanay sidii ay ahayd wax looga qaban, haddaanu nahay Xisbiga Waddani, waxa marwalba naga Go’an sidii aanu isaga xil saari lahayn Cadaalad u falidda shacbiga iyo dhamaan gobolada Dalka.

Ugu danbayntii waxaanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa, in ay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ay u Xamaam ururusanayso Sidii ay u lumin lahayd Miisaanka awoodeed ee Somaliland,arintaas oo dhaawac aanu shacabku kasoo kaban dhaxal siindoonta.

Cidda amaanadii ummada u dhiibatay dayacday ee maanta Danbi qaran ku jirtaa waa Axmed Siilaanyo iyo Xukuumadiisa, Xubnaha Baarlamaanka ee Xisbiga Waddani,iyo Xilibaanada kale ee lexjecladu ka hayso Dalkooda waxa aanu u baaqaynaa in ay soo dadajiyaan Mooshin Maamuus ka xayuubin Madaxweyne Siilaanyo ka Dhan ah.

Allaa Mahadleh.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani UK.
Mudane Xuseen Aadan Cadde.