WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND XIRSI CALI XAAJI XASAN“AAN ISKU DARSANO MURUQA, MAALKA IYO MASKAXDA SI AYNU FIKIR WALBA UUGU BEDELNO FICIL”

wasiir xirsi

Hargeysa(SM):- “Noloshu Maaha Wada Siyaasad ee Waxaa inoo taala Hawl weyn oo ah Horumarinta iyo Hirgelinta Himilada Qarankeena”Sidaa waxa uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga uu ku leeyahay.

Hadaba, waxa uu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Noloshu Maaha Wada Siyaasad ee Waxaa inoo taala Hawl weyn oo ah Horumarinta iyo Hirgelinta Himilada Qarankeena”

Barnaamijka Todobaadka ee hal-abuurka ganacsiga ayaa shalay si rasmi ah uuga furmay hotelka Maansoor kaasi oo ay soo agaasimeen ururka shaqodoon

Waa barnaamij todobaadkan oo kale laga fuliyo meelo badan oo caalamka kamid ah isla markaana lagu dhiirigeliyo cid walba oo leh hal-abuur Ganacsi

Ujeedada Barnaamijkan ayaa ah sidii loo ogaan laha fursadaha ganacsi ee jira iyo sidoo kale sidii aad uuga gaashaaman lahayd hagardaamooyinka ku soo waajihi kara inta aad ku jirto ka midho dhalinta fikirkaaga ganacsi.

Waxaa hubaal ah in safar walba oo aad u dheer uu ka unkamay talaabo keliya sidoo kale in aad guul ka gaadho dhinacyada kala duwan ee noloshana waxaa aasaas u ah in aad leedahay hindise ama hal-abuur.

Waxaynu ognahay in fursadaha ganacsi ee Somaliland ka jira ay yihiin kuwo u sahlaya qof walba in uu si fudud guul uuga gaadhi karo hadii uu la yimaado samir iyo qorshayaal dhaw iyo kuwo fogba maxaa yeelay, Somaliland waa dal dihin oo leh dhamaan shuruudaha horumariya ganacsiga oo ay uugu muhiimsan yihiin nabada, xuduudaha ay la leedahay dalal kala duwan iyo bad u sahli karta in ay mariyeen badeecadaha kala duwan ee ay ka ganacsanayaan.

Hadaba dhalinyarada aqoonyahanka ah waxaan ku boorinayaa in ay ogaadaan in aanay noloshu wada siyaasad ahayn ee ay inoo taalo hawl weyn oo ah horumarinta iyo hirgelinta himilada qarankeena.

Aan Aamino Dalkeena iyo Dadkeena, aan ku Kalsoonaano in aynu wax qabsan karno oo aynaan Alle Mooye Cid kale baahi inaga saarnayn

Wa Bilaahi Tawfiiq.