Waxaa indhaha shacabka JSL ku foogan yihiin kuna fiiqan yihiin in maanta lagu kala baxo dastuurka qaranka.qalinkii A/rahman fidhinle UK.

maqaal
Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsanaynina waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan xaaraan ah. Nidaamka siyaasadeed ee JSL waxaa saldhig u ah nabad,talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hanaanka xisbiyada  badan. Awooda sharci sameynta ,wax ka bedelista iyo ansixintaba waxay gaar u yihiin oo iska leh golaha baarlamaanka (guurtida iyo Wakiilada ) .Xeerka diiwaangelinta codbixiya-yaasha ee kolba xukuumadu dhinac ka xafuujineyso waxaa go’aankeeda leh Golaha baarlamaanka.

 

 Hadaba muxuu Dastuurka Qaranku ka odhanayaa arimahan cakiran ee hada ka taagan golaha Baarlamaanka ee ciidamada la duldhigay si loo baqdin geliyey xildhibaanada  yar ee xalaasha ah iyo shacabka JSL. 

 QODOBKA 60AAD  (BAARLAMAANKA )

1. Awooda xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay gaar ku tahay baarlamaanka oo ka kooban laba gole oo kala ah wakiilada iyo golaha guurtida.

2. Xilka xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka. ( xukuumadu waxay la soo gashay faraha waana ay jebisey qodobkan)

3. Mashruuc sharci Baarlamaanku ogolaadeen waxa uu xeer dhaqan gal ah noqonayaa marka uu Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka.

4. Baarlamaanku xil-gudashadiisa waxa uu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer-hoosaadyadiisa.( waxay xukuumadu ku haysaa qodobkan faro gelin baas oo aan geedna loogu soo gaban ) 

5. Himilooyinka xil-gudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo socda:-

 QODOBKA 69AAD

 KAL-FADHIYADA IYO HABAYNTA GOLAHA WAKIILADA

1. Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo qaadanaya mudo 28 (sideed iyo labaatan) todobaad ah. Labadii kal fadhi waxa u dhexaynaya ugu yaraan 4 (afar) todobaad, ugu badnaana 8 (siddeed) todobaad.

2. Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiiladdu waxa uu ku qabsoomi karaa:-

b. Codsi ka yimid Madaxweynaha;

t. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo isugu yeedha.

J. 1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha wakiilada oo qoraal ku codsada.

3. Kal-fadhigiisa ugu horreeya, waxa golaha wakiiladu ku ansixinayaa xeer-hoosaadkiisa; waxaanay ku dhisanayaan guddi-hoosaadyo inta uu u baahdo.

j) Codka xil ka qaadista Gudoomiyaha baarlamaanku wuxuu ku ansaxamyaa aqbaliyada sadex meelood laba meel 2/3 ee xubnaha guud ee golaha.
x) Soo jeedinta mooshin xil ka xayuubin oo ku aadan Gudoomiyaha golaha ( Ciro ) waa in uu ahaadaa mid ku saleysan Dastuurka qaranka iyo shaci hoosaadka golaha.
kh) Mooshinka xil ka xayuubinta Gudoomiyaha Baarlamaanka waa in ilaa iyo 3 cisho lagaga doodaa golaha dhexdiisa . ma aha in lala gur-guurto oo lagu soo rifo muska iyo miscirirta xaydaabka Madaxweyne ku xigeenka oo isagu mar walba iska ah Taayir spare ah.
DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA WAKIILADA
1. Xubinta golaha wakiillada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.

2. Waxaa ka reebaan xukunkaas faqradda 1aad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.

3. Ma bannaana in laga qaado xubinta golaha wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi; ama qabasho ama xidhitaan ama taallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyada oo oggolaansho looga helo golaha wakiiladda mooyaane.

4. Waxaa xubinta tallaabo lagu qaadi karaa haddii lagu qabto isaga oo dembi faraha kula jira, markaana waxa waajib ah in golaha si deg dega ah loo ogeysiiyo.

5. Golaha waxaa ku waajib ah in uu hubiyo, in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.

6. Haddii aanu goluhu fadhiyin, waxaa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo guddida joogtada ah ee golaha wakiilada; Golaha waxa la ogeysiinayaa kalfadhiga xiga.

7. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta golaha wakiilada iyada oo aan ogolaansha loo baahnayn.
Waxaa shacabka JSL ay ka dheregsan yihiin in xeerka diiwaangelintu aanu aheyn xeer siyaasadeed ee uu yahay uun mid ku saleysan sidii ay doorashadu ku dhici laheyd in sadexda xisbi qaran  ay isku raacaan in shacabka si wanaagsan loo diiwaangeliyo oo aaney codeynta ku  soo noq noqan. Hadaba waxaa fadeexad qaawan ku ah xukuumada Siilaanyo weerarkan qaawan ee joogtada ah iyo mooshinadan dhagareysan ee had iyo jeer laga soo  maleegaayo xayndaabka aqalka Madaxweyne ku xigeenka ( Saylici )  si ay umaroorsadaan una umarsadaan kolba muraadkooda oo cimri dherer iyo mudo kordhin ku saleysan.
– Waxay caado ka dhigatey xukuumadu in ay isku qooshto oo isku xafuujiso xeerar hore ujirey iyo xeerar curis ah oo cusub sida xeerka diiwaangelinta madaniga ah  iyo xeerka codbixiya-yaasha. waxay hore uga soo hor jeesatey in la ansixiyo komoshanka cusub, waxay hore uga soo horjeesatey go’aankii 64 xildhibaan ku ansixiyeen xeerkan cakiran ee xeer 37,( xeerka diiwaangelinta codbixiya-yaasha)  taasi waxay shacabka JSL ay ucadeyneysaa in ay xukuumadu ka soo horjeesatey in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo. Xukuumada Siilaanyo waxay caayeysaa caqligii shacabka JSL  lagana yeeli maayo waqti korodhsi, cabudhin , cago jugleyn iyo i jiid aan ku jiidee in waqtiga lagu lumiyo.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii maanta ku geeriyoodey kuna dhaawacmey  mudaharaadyadii wadanka ka dhacey. waxaana laga wada markhaati yahay in dhiigaa daatey ay masuuliyadiisa leedahay Xukuumada Siilaanyo ee sida arxandarada ah rasaata nool ula dhacdey shacab aan hubeysneyn oo dareenkooda salmi ku cabiraya. Waxaan  shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa in ay dhug u yeeshaan oo dareemaan mooshinada hadoodilan ee waqtigan lagu miiqaayo in lagu maaxdumiyo geedi socodkii dimuqraadigii curdinka ahaa ee JSL ay ku taameysey mudada dheer. waxaan u soo jeedinayaa in ka soo horjeestaan  oo diidaan doorasho diid, Mooshin marsiin, mooshin maroorsi, mooshin quudayaal  iyo minjo xaabinta milgihii iyo karaamadii qaranimo.
Alleh ayaa mahad leh
Waa-lahum-Aclam Waa-bilaahi Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scw)
Qalinkii A/rahman fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive ED-BD-PA
United Kingdom
London