Wefdi Heer Qaran Ah Oo Ka Kooban Hogaanada Dededda iyo Gudaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Gaadhey Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer Ee Burco

DAAWO MUQAAL :SHIR JARAA’ID OO GOLAHA FULINTA EE XISBIGA WADDANI LAANTA FINLAND KU QABATAY CAASIMADDA DALKA FINLAND OO AY KAGA HADLAYEEN XAALADDA KA TAAGAN GOLAHA WAKIILADDA SOMALILAND

Wefdi Heer Qaran Ah Oo Ka Kooban Hogaanada Dededda iyo Gudaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Gaadhey Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer Ee Burco
Waxa Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco soo gaadhey wefdi ballaadhan oo ka kooban gudaha iyo debedda ee hogaanka Xisbiga Waddani. Wefdigaas oo ka kooban afar xubnood oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Laanta Finland mudane Cabdiraxman I. Cartan, Xoghayaha laanta Finland Mudane Maxamud Xuseen Jama, Xildhibaan Maxamed weli Warsame Cali iyo Mudane Saleebaan Barkhad Qaloombi oo ka tirsan madaxda Xisbiga Waddani.
Wefdigan oo ujeedadiisu tahay is xogwaraysi xalada guud ee dalku halkay marayso iyo dardargelinta hawlaha Xisbiga ee gobolka togdheer iyo u diyaar garawga diiwaan gelinta cod bixiyayaasha soo socota iyo doorashooyin dhawaan dalka ka qabsoomi doona.
Wafdigaas oo la kulmay hawlwadeenada Xisbiga iyo taageerayaasha xisbiga waddani ee gobolka togdheer, waftiga oo kulamadiisu socon doonaan maalmaha soo socda taas oo la arko inay gaadhaan degmooyinka gobolka ee caasimda u dhaw dhaw.

Salaanmedia/Burco