Wiil uu Dhalay Madaxweyne Ku Xigeenku Somaliland Saylici Iyo Shan Qof Oo kale Oo Ku Dhaawacmay Shil Baabuur

SAYLICI

Hargeysa (SM)- 6 qof ayaa dhaawacyo kala duwani galabta Soo gaadheen, ka dib markii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal ku tagayay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ay isku dhaceen jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera mid ka mid ah kolonyadii baabuurtii Madaxweyne Ku xigeenka ilaaladiisu saaraayeen iyo baabuur shicib ah oo ka soo kicitimay magaaladda Berbera.

Waxa la sheegay in saddexda qof ee saarnaa mid ka mid ah baabuurta ciidanka ilaaladda madaxweyne Ku xigeenka ay dhaawacyo fududi soo gaadheen wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Axmed C/Raxmaan iyo laba ka mid ah ilaaladiisii, hase yeeshee warku waxa uu intaas ku daray in saddexda qof ee ku dhaawacmay baabuurka kale, laba ka mid ah dhaawacyadoodu culus yihiin.

Waxa la keenay lixda qof ee ku dhaawacmay shilkaasi cisbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dabiibayo, madaxweyne Ku xigeenkuna waxa uu sii watay socodaalkiisa uu ku tagayo Burco.

Salaanmedia/Hargeysa