Xagay iska shabahaan ururka dhalinyarada jiidali iyo ururkii isbedel doonka ahaa ee la magac baxay UFO 1982 kii?!
muxuu ahaa hadafkii ururkii isbedel doonka ahaa ee UFO 1982 kii?
Sannadkii 1981 waxa magaalada Hargeisa ka hanaqaaday Ururkii la magac baxay UFO oo ka koobnaa aqoonyahano [dhakhtaro, macalimiin, iyo ganacsato] oo iskood isu xilqaamay si ay wax uga qabtaan dayaca baahsanaa ee ka muuqday adeegyadii bulsheda oo xukuumaddii kali taliska ahayd ay ka gaabisay daryeelkooda. Waxa ka mid ahaa raggii arrinta bilaabey intaan ka xasuusan karo:
1-Dr. Aden Abokor
2-Dr. Osmaan Meygaag
3- Abdilahi Ali Adar (Colaad)
4- Yuusuf Gaydh
5-Eng. Maxamed Baaruud Cali
6- Dr. Maxamuud Sheikh Xasan Tani
7- Dr.Maxamed Xaji Maxamuud Cumar-Xaashi
8- Axmed Muxumed Madar
9- Axmed Maxamed Yuusuf-Jabane
10- Aden Warsame Siciid
11- Xuseen Mohamed (Berberaawi)
12- Baashi Cabdi Yuusuf
13- Mohamoud Abdi Jiciir
14- Ahmed Husein Caabi
15- Cali Cige Farah (Ali-biid)
16- Cumar Ciise Cawaale
17- Mohamed Abdi-Ayuub
18-Said Mohamed Ibrahim (Gadhle)
19-Dr. Mohamoud Ali Sulub
20-Mohamed Moalim Osman
21-Mohamed Digale Hirsi
Si loo hubiyo ujeedada ka dambaysa ururka dhainyarada UFO ayaa dabayaaqadii sannadkii 1981 waxa Muqudisho laga soo diray wafti ballaadhan oo ka kooban beelaha daga Somaliland ( goboladii waqooyi) uu hoggaaminayo Ahmed Suleiman Abdalla (Dafle).
Ka dib markuu waftigaasi shirar la yeeshay hawlwadeenadii xukuumada u fadhiyay Hargeysa, waxa kale uu shir la yeeshay waayeelka iyo odayaasha magaalada, waxa intaa u sii dheerayd in uu shir gaar ah la yeeshay dhalinyaradii ururka UFO, kuwaas oo u soo bandhigay wax qabadkoodii ku aadanaa baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada iyo habka ay ugu talo galeen in ay u fuliyaan, ayagoo isla markaana u iftiimiyay inay taageero uga baahanyihiin xukuumada.
Waftigaasi markuu Xamar ku noqday laguma qancin warbixintoodii, waxayse awoodii ciidanka sirdoonka NSS xukuumaddii Siyaad Bare isugu geysey, sidii ay xog dheeraad ah uga helilahayd xidhiidhka ka dhexeeya Ururukii UFO iyo Ururkii Dhadhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM).
Bishii November ilaa December 1981 waxa jeelka loo taxaabay dhamaan xubnihii ururka UFO oo lagu eedeeyay:
1. Kacaan diidnimo
2. Kicinta dadweynaha si looga horkeeno xukuumada
3. Is abaabul iyo furasho urur xaaran ah
4. Qoraalo lagaga soo horjeedo xukuumada.
5. Qabasho shirar lagu taageerayo SNM. Iyo qaarkaloo badan
3rd January 1983 waxay SNM fulisey howlgelkii milateri oo Xabsiga Mandheera lagaga siiddaayaya maxaabiis ay ka mid ahaayeen odayaal wax ku ool ah oo u xidhnaa xukuumadii Siyaad Bare.
11th April 1983 waxay mujaahidiinta SNM xoog ku furteen Cabdillahi Askar Barkhadle oo ku xidhnaa xarunta qaybta 26 ee ciidankii faqashta. Cabdilaahi Askar iyo muj: Cabdisalaam Turki waxa ay magaalada Hargeysa u joogeen hawlfulin loogu talo galay in la fuliyo 12ka April oo ku beegnayd maalinta ay dabaal dagaan ciidamada faqashta, laakiin nasiibdaro 8dii bisha April goor habeen ah ayay Cabdillahi gacanta ku dhigeen cidamada faqashtu, waxa loo qorsheeyay in maalinta bishu tahay 11ka la horkeeno dadweynha Hargeysa isla markaana loo duuliyo xamar si loo horgeeyo saraakiisha iyo ciidamada iyo dadweynahaba maalintaa u dabaaldagaya 12ka April.
20th February 1982 xubnihii ururka UFO waxa loo diyaariyay in la horkeeno maxkamada Hargeysa, arrintaasi may suurogalin ka dib marakii ay ardaydii dugsiyadu ku gadoodeen maxkamadii. Halkaa waxa ka bilaabmay kacdoonkii u horeeye ee la magac baxay dhagaxtuurka ee ay hogaaminayeen ardayda iskuulada sare ee Hargeysa. Waa malin xasuus dheeraada, qiimayn iyo qadarin ku leh dadweynaha gaar ahaan ardayda Somaliland iyo naftayda aniga oo xiligaas ka mid ahaa ardaydii dugsiga sare ee sheikh bashiir burco dhiganaanay kana mid ahaa ardaydii sida weyn uga qaybqaatay dhagax tuurkaas isbedel doonka ahaa waxa kamid ahaa macalimiintii nasoo abaabushay si aanu mudaharaadka uga qayb qaadano 1- coomir sujuwe 2- cabdi askari IHNT marxuunkaas macalinka ii ahaa aamiin ardaydii naga dhaawacan tahay waxaa kamid ahaa shiine cagjar oo ay bowdada xabadi kaga dhacday, Waxa kacdoonkaa ku geeriyooday dhinaca magaalada hargeysa Barre Xaji Cilmi (arday) iyo Qawdhan Cabaas (macalin shaqo qaran).
1982 waxa xabsiga loo taxaabay arday badan oo laga qabqabtay mudaharaadkii burco ka dhacay oo loo qaaday isla markiiba dhinaca madheera waxa iyana xabsiga burco lagu xidhay labadaas macalin 1-coomir sujuwe 2- cabdi askari IHNT waxaana lagu eedeeyay waxaad xidhiidh la leedihiin ururka SNM ,
waxa xabsiga loo taxaabay dhinaca magaalada Hargeysa Abdi Ismail Yonis iyo Suleman Nux Ali oo lagu eedeeyaya iyana in ay xidhiidh la leeyihiin ururka SNM, waxa kale oo ayana jeelka loo taxaabay kadib markay Afweyne iska horyimaadeen todoba (7) xubnood oo ka tirsanaa maamulkiisa kuwaas oo kala ahaa:
Ismail Ali Abokor
Omar Arte Qalib
Mohamed Adan Sheikh
Omar Haji Masale
Mohamed Yusuf Wayrax
Osman Mohamed jeelle
Warsame Ali Farah ( ninkaasi oo ku geeriyooday jeelka ka dib markii loo diiday daawayn).
Kooxahaa kor ku xusan waxa dhamaantood loo aqoonsaday (detainees as prisoners of conscience). Tixraac: 10 March 1987 warbixintii ay soo saareen ururada kala ah, Amnesty International, Human Rights in Africa, Lawyers Committee for Human Rights (The subcommittee on African affairs).
muxuu yahay hadafka ururka dhalin yarada jiidali ee isbedel doonka ah ee 2014 ka lagu dhawaaqay?
wuxuu ururka Dhalinyarada jiidali u bayaaminayaa
Mujatamaca reer Somaliland, In jiidali loo abuuray inay barbar
istaagto jiritaanka qaranimada somaliland, xoojiso walaalnimada,
jaarnimada, wada dhaqanka iyo wada noolaanshaha beelaha somaliland,
Jiidali waxay u taagan tahay inay isku fur furto dhalinyarada oo ay
hormood u noqoto dhalinyar wax wada qabsada oo talo midaysan leh, waxa
ka go’an jiidali inay kala shaqayso hayadaha amniga, sugida iyo
adkaynta nabadgalyada qaranka, jiidali waxay astaan u tahay dhalinyar
firfircoon oo ka turjumaya dareenka shacabkooda, diyaarna u ah inay
wakhti ,maskax iyo maalba u bixiyaan sidii qarankan jamhuuriyada
somaliland u noqon lahaa qaran waara oo horumara.
Ururka dhalinyarada Jiidali, waa urur ay gadhwadeen ka yihiin
dhalinyar aqoonyahan ah, oo ka damqaday, tacadiyada iyo iska horkeenka
beelaha ee ay xukuumada madaxwayne siilaanyo caadaysatay, waa urur
aanay dabada ka riixayn siyaasiyiin iyo xisbiyo midtoona, balse waa
urur majaro siyaasadeed leh oo garanayana tubta quman ee qaranka lagu
badbaadin karo.
Ururka dhalinyarada jiidali wuxuu aaminsan yahay , in xukuumada
maanta jirtaa ay ku fashilantay gudashada wajibaadkeedi shaqo, waxay
ku fashilantay kobcinta tiirarkii dimuquraadiyada ee aynu ku faani
jirnay ee salka u ahaa dawlidnimo dhamaystiran oo hana qaada, waxana
ka mida:
1- Xoriyada Saxaafada: waxa si cad u karaameeyay oo u dhawray
xuquudada saxaafada iyo suxufiga, dastuurka qaranka somaliland, waxa
sidoo kale xusay xeerka saxaafada ee la saxeexay 2004tii, Xukuumada
maantu waxay albaabada u laabtay wargaysyo , waxay si jees jees ah u
xidhay tiro badan oo suxufiiyiin ah, waxay si cad xukuumadu ugu
tumatay sharcigii muwaadinka iyo suxufiga, iyadoo suxufiyiin badan si
sharci daro ah xabsiyada loo geeyay.
2- xoriyatul qawlka: shuruucda wadanka u taala waxay u damaanad
qaadeen muwaadinka kasta oo reer somaliland ah inuu cabiri karo ,
fikirkiisa isagoo xor ah, kana reeban tahay shakhsi weerarku si
sharaftii muwaadinka loo dhawro, hadaba dawlada maantu waxay dadka ku
bartilmaamsataa maxaa wax la iiga qoray, taas oo sababtay in dad
badani ay xoriyadoodii ku waayaan , jeelashana ay ku jiraan iyagoon
maxkamad la horgayn
3- Nabad galyada: qaranka jamhuuriyada somaliland 23ka sanadood wuxuu
aduunyada ka iibinayay amniga ka jira somaliland. Hadaba xukuumadani
waxay noqotay mid wadamadii jaarku ay kala noqodaan kalsoonidii
nabadgalyada sidoo kalena ay aduun waynuhu ay laaxin galiyeen
Nidaamka amni ee somaliland- taasina horseed u noqotay dhawaaqyada ka
soo yeedhaya wadamada reer galbeedka. sidoo kale arintani waxay
saamayn ku yeelatay dhaq dhaqaayadii shacabku ku tagi lahaayeen
wadamada jaarka oo gabi ahaanba xuduudahoodii xidhay
Gaba gabadii, Dawladu waxay horseeday, musuq maasuq baahsan oo
casriyaysan, qabyaalad qaawan, Tahriibkii dhalinyarada oo batay,
camal la’aan baahsan oo dhalinyaradi gayaysiisay inay wadankii ka
niyad jabaan, dawlad tiro badan oo bilaa tayo ah, caasimadii oo biyo
la’aan taagan, mashaariicdii biyo balaadhinta caasimada oo la
qabyaaladeeyay oo la siyaasadeeyay, waxbarashadii oo tayadeedii
luntay, Arimihii dibada oo fashilmay iyo hogaankii wadanka oo aan
awoodin inuu isku hayo dawlada waxa intaa u dheer, Afmiishaarnimo,
xilkasnimo la’aan, Samirl’aan, dulqaad la’aan, guulwadayn, hubsiimo
la’aan, iyo nidamkii dawladnimo oo meesha ka maqan, waxaanu shacabka
ku baraarujinaynaa inay ka foojignaadaan, mu’aamaradada siyaasadaysan
ee xukuumadani ku kala irdhaynayso beelaha walaalaha ah ee somaliland,
sidoo kale wuxuu ururka dhalinyarada ee jiidali ku baraarujinayaa
dhalinyarada reer somaliland inay u midoobaan sidii ay uga qayb qaadan
lahaayeen dhaq dhaqaaqyadan lagu badbaadinayo qaranka somaliland
laguna xoojinayo inay dhalinyaradu hormood u noqoto siyaasad fur furan
oo la jaan qaadi karta aduunyada oo ay gadhwadeen ka yihiin
dhalinyaro”.
hadaba markuu sidaas yahay hadafka ururka dhalinyarada isbedel doonka ah ee jiidali wuxuu la mid noqday ururkii UFO ee 1982 kii ka curtay dalka Somaliland kaas oo horseeday kacdoon siyaasadeed oo aakhirkii soo hooyay guulo siyaasadeed oo soo ceshay in qarankii Somaliland ee lumay dib loo baadi doono ururka jiidali isaguna wuxuu u taagan yahay in marlabaad uu qaranka Somaliland ka bad baadsho inuu god madow ku dhaco!.
aadan axmed nuur