XILDHIBAAN WAABEEYO WAXAAN LEEYAHAY HAW DHURAN DHURWAAGII LAFTUU DHUUXAY EERSADAY!,

image

 
Xildhibaan Waabeeyo waxaan leeyahay haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday!,
Xildhibaan Waabeeyo waxaan leeyahay haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday!,

asc marka hore waxaan aad u salamayaa sxb kay maxamed waabeeyo marka labaad

waxaad tahay muwaadin xaq u leh inuu dalkiisa iyo dadkiisa madax u noqdo waanad ku mahadsan tahay dedaalkaaga aad ku gaadhay inaad xisbiga kulmiye ka noqoto madaxda ugu saraysa waanay yar yihiin qof kula da-ah oo sidaa fudud meeqaam siyaasadeed oo derajadaas leh si sahlan ku gaadha waana waajib in la qiro waxaad lasoo baxaday waan mid ilaahay loogu mahadiyo,

marakay sidaas tahay aynu isdul-taagno inta siyaasadaada ka dhiman ee u baahan in lagaa saxo waxaad tahay mudane laga soo doortay gobolka daad-madheedh ama oodweyne gobolka aad kasoo jeedo ee lagaa soo doortayna waxa dul hoganaya duruufo badan oo xaga tacliinta ,caafimaadka i.w.m

waxa ugu wayn ee dulyaala waxa weeye waxa u qabyo ah mashruuc kamid ah mashaariicda ugu waaweyn dalka Somaliland oo u baahan in la dhamaystiro dhamaystirka mashruucaasina wuxuu halbowle u yahay dhaqaalaha dalka Somaliland oo dhan iska daa gobolka daad-madheedhe oo qudha inay dani ugu jirto laakiin waa mashruuc qaran oo ahmiyadiisa leh waana wadada isku xidha burco, oodweyne iyo hargeysa,

somalidu waxay tidhaah daa geel qaylo dhaan xun lama dhiciyo! waxaad tahay xildhibaanka qudha ee kasoo jeeda gobolka daad-madheedh ee si hagar la-aan ah ay umada ku dhaqani cod aqlibiyad ah ku soo doorteen weli may arag umadii codka ku siisay adiga oo wax uga sida wadadaas qabyada ah xukuumada aad kamidka tahay ee aad xisbigeeda kulmiye hogaanka ugu sareeya kamidka tahay!,

weli lama arag adiga oo abaabulaaya ama ka qayb qaadanaya shir ku saabsan sidii duruufaha ad adag ee dul hoganaya gobolka wax loogu qaban lahaa amaba loo qabyo tiri lahaa wadadaas oodweyne,

oo aynu ognahay markii qaadhaan kii dadku bxiyeen iyo xoolihii reer miyiga laga ururiyay cara tuul ay ku dhamaadeeen inay maanta gabi ahaanba istaagtay ,,, hadaba

waxaad awoodi kartaa inaad xukuumada culays ku saarto in miisaaniyada loogu daro qorshe lagu qabyo tiraayo wadadaas oodweyne ee lafdhabarka dalka u ah nasiibdaro waxaad ka doorbiday dantii deegaankii lagaa soo doortay taada shakhsiga ah waxaanadse garanayn in magacaaga iyo mustaqbalkaaga siyaasadeed ku xidhan yahay u olalaynta iyo wax u tarka wadada oodweyne waayo waxa layidhi qof kastaaba geedaka uu beerto ayuu midhihiisa cunaa ahaad dacar iyo tiin beerato waad guran wixii kaaga soo baxa hadaad timir beeratana waxaad guran midhoheeda,

isaga oo qofku xildhibaan ah oo larabo inuu qaranka guud ahaan u shaqeeyo ayaa hadana waxa xilgaar ahi kasaaran yahay oo ah inuu raadiyo xuquuqda deegaanka laga soo doortay waayo iyaga ayuu codkooda ku fadhiyaa oo uu wakiil u yahay xisbigan aad u xiiqsan tahay keliya wuxuu yahay wasiiladii ama dariiqii aad ku gaadhaysay dantaada siyaasadeed adiga oo ka wakiil ah deegaankii lagaasoo doortay waayo somalidu waxay tidhaah daa geeljire geela wuu wada jirtaa waana kala jirtaa! shayga xisbi ama urur layidhaah waa umad ku midowday danguud oo leh siyaasada gaara ah laakiin waxay ku kala gedisan yihiin danaha gaarka ah iyo deegaanada laga soo doortay duruufaha ku xeeran,

adigu markaad xildhibaan waabeeyo tahay dantii deegaanka lagaa soo doortay iyo baahidii taalay waxaad ka doorbiday inaad noqoto jeedal lala dhaco marba qofkii damac siyaasadeed ka yeesha deegaanka aad kasoo jeedo! siyaasadu saaxiib ma leh waxay ku dhisan tahay maslaxad maalinta lagaa dhamaysto muraadkii lagaa lahaa ee weliba la ogaado inaadan wax karaamo iyo cod ah ku lahayn deegaankaaga iyo umadii aad kasoo jeeday si fudud baa lagaaga dulguuri dabeed waxaad noqon guricas laga guuray oo mudo ladeganaa! waxa hadalkaagu qiimo leeyahay inta ilkahaagu wax jarayaan laakiin maalinta lays nacsiiyo adiga iyo deegaankii aad katimi waxa laraadsan mid kale oo sidaada caamil lagu shaqaysto noqda oo lagugu bedelo! hadba inta aad umadaada dhexdeeda aad karaamo ku leedahay ayaad qofka kalena agtiisa karaamo ku leedahay!

miyaanu tusaale kuugu filey kii aad ilmaadeerka haydeen ee aad kursiga ka dhaxashay ee wuxuu siilaanyo daacada u noqdaba markii laga gaadhay muraadkii laga lahaa inta daaqada laga tuuray adiga lagugu bedelay waar ma waxaad ka liidataa dawacadii layidhi naa dayoy yaa qaybta ku baray ee tidhi waxa ibaray isha cumar ka laalaada! ma waxaad garan weyday wixii ina c/qaadir ku dhacay adigaba way ku sugayaan! ee kayd samayso oo dadka iyo deegaanka aad kasoo jeedo hayska dhex saarin?! aan ku xasuusiyo maansadii dhaxal galka ahayd ee mulaax ee ibraahin gadhle inooga tegay,

wuxu yidhi ibraahin gadhle HHNT maansadiisii mulaax,

nin kuyidhi muftaan ahay mar laqaad talaabada

lamalayso mooyee yuu midiidin kaadhigan

midho aad la leedahay yuu ku cunin ismoodsiis

haduu tiisa maamulo adna taada maaree

haduu sheegto maalay mur kasii qadhaadh noqo!

tusaale hadaan kaaga soo qaado xildhibaadana kugula jira baarlamaanka ee had iyo goor kaambaynka ugu jira sidii ay u hormarin lahaayeen deegaankii laga soo doortay ee aad kuraasta wada fadhidaan, waxa ugu horeeya sxb ka aad isugu dhowdihiiin golaha ee aydaan marna kala hadhin ,, mr ,cali mareexaaan oo aad ogtahay wuxuu u qabtay gobolkii lagasoo doortay

1-xildhibaan nacnac waa xildhibaanka ugu qiimaha badan ee laga soo doortay gobolka maroodi jeex ee deegaankii laga soo doortay ka fuliyay mashaariic aad iyo aad u balaadhan mana aha wax latirinkaro inta mashruuc ee uu ka qayb qaatay hada wuxuu wadaa oo uu dhawaan dhamaystiri hadii ilaahay yidhaah wadada isku xidha hargeysa iyo gobolka hawd ee bali-gubadle waxa mashaariicda u dheer xildhibaan nacnac dadka jilicsan ee deegaankiisa kasoo jeeda ee uu intaas cawiyo dhakhtar haw raadiyo ama guri hawdhisee! waxaanu ka mid yahay xildhibaanada waqtigoodu dhamaanayo kuwa ugu waxtarka badan ee dib wax ugu celiyay deegaankii laga soo doortay ee beri kamaalin hadii ay xilka baneeyaan aan magacxumo kula noqonayn deegaankoodii codka siiyay!

2-xildhibaan cali mareexaan inkasta oo uu xildhibaankani mashaariic qayrul sharciya iyo qandaraasyo xukuumadu sigaara ugu naas nuujisay uu helay sed bursiimo gaar ahna uu qabo hadana xalaal iyo xaaraan wixii soo galay wax badan buu dib ugu celiyay deegaankii laga soo doortay waana waajib saran oo uu gartay hada ogow ninkani waa saaxiibka weli ismaad weydiin waxa isaga xiijiyay ee adigana afka iyo gacanta kaa xidhay!,

hadal iyo guntiis waxaan sxb ku u soo jeedin lahaa xildhibaan waabeeyo waqti kuuma hadhin umadii ku soo dooratayna xisaab bay kuula diyaar tahay ee hawdhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday!

by- ahmed suleiman -lababaale

xahmednuur@hotmail.com