Xildhibaanada iyo Wasiirada taageersan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho

timthumb

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee taageersan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxay gelinkii dambe ee maantaa kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kulanka, ayaa waxaa lagu taageeray hadalkii Axadii ka soo yeeray Amb. Nicholas Kay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, ee aha inuu maqlay in Xildhibaanada ay codadkoodu iibsadaan.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inaan khalad loo fasiran karin hadalkii Nicholas Kay, isla-markaana uu yahay mid lagu dhiira-gelinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isagoo Saxaafada kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayuu tibaaxay in Xukuumada Somaliya ay ka timid shaqo wanaagsan, isla-markaana aan la aqbali karin in mooshin xilka looga eryo Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka mid ah Xildhibaanada taabacsan Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Madaxtooyada Somaliya ku dhaliilay inay iyadu soo abaabuleyso mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Xildhibaanka, ayaa war xaqiiqda ku saleysan ku sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay qaarkood iibsadaan codadkood, marka uu khilaaf soo kala dhexgalo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaanad Saado Aadan Maxamed, ayaa waxay si diiran u soo dhaweysay shaqada Xukuumada C/weli, oo ay ku tilmamtay mid wax qabad leh, isla-markaana aysan aqbali doonin in mooshin qar ka tuur ah, xilka looga eryo, sida ay tiri.

Xildhibaanadaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka falcelinayeen hadalkii maanta ka soo yeeray Xildhibaanadii ka hortimid eedeymihii uu u soo jeediyay Amb. Kay.

Salaanmedia/Moqdisho