Xildhibaanada Soomaaliya ee mooshinka waday oo qalad ku tilmaamay go’aanka Guddoonka uu ku hakiyay mooshinka

mooshin

Iyadoo shalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu qaatay go’aan la xiriira in la hakiyo mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xildhibaano kamid ah kuwa mooshinka soo gudbiyay waxa ay arintaasi ku tilmaameen mid sharcidaro ah.

Xildhibaan Cismaan Xaaji oo kamid ah Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid qaldan oo aan sharciga waafaqsaneyn.

Waxa uu sheegay mooshinka ay soo gudbiyeen inuu yahay mid sharci ah, islamarkaana ay soo gudbiyeen Xildhibaano qaran oo aan la dhayalsan karin mooshinkooda, maadaama miisaan ay ku leeyihiin hanaanka siyaasada dalka.

“Xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay ma’ahan kuwa fataatiir ah waa Xildhibaano qaran oo Baarlamaanka ka tirsan, go’aanka Guddoonka Baarlamaanka uu qaatay waa mid qalad ah”Ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaaji oo la hadlay Idaacada Kulmiye.

Hadalkiisa ayaa intaasi wuxuu ku daray Xildhibaanka “Baarlamaan howlihiisa ma’ahan dhaqan waa sharci iyo dood in  laga sameeyo mooshin sharci ah ayaan gudbinay, afka halaga dhaho halkaasi ayaa laga soo abaabulay wixii la rabo ha lagu tilmaamo mooshinkeena, laakiin waa sharci”

Dhinaca kale xubnaha kasoo horjeeda mooshinka Xukuumadda laga gudbiyay ayaa soo dhaweeyay go’aanka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku hakiyay mooshinka Xukuumadda laga soo gudbiyay.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in Guddoonka Baarlamaanka uu hakad geliyay mooshinka inta laga xalinaayo nidaamdarada ka dhexjirta Baarlamaanka Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho