XISBIGA KULMIYE WAX KA BARYO XUMAA MARKUU VOTE RABAY, HADANA KA KIBIR BADAN MARKII LA DOORTAY.

XISBIGA KULMIYE WAX KA BARYO XUMAA MARKUU VOTE RABAY, HADANA KA KIBIR BADAN MARKII LA DOORTAY.

1 aaaa Kulmiye

ASC dhamaan akhristayaal. Salaan ka dib. Madaxweyne siilaanyo waxa erayadii uu dadka kaga rabay codka ka mid ahaa,
Walaalayaal cadaalad baan ku dhaqaynaynaa dalka hadaad na doorataan, Walaalayaal hantida umada  waanu xafidaynaa musuqmaasuqa waa la dagaalamaynaa. Walaalayaal aqoonsi baan geed dheer iyo geed gaabanba u korayna. Walaalayaal saxaafada dawladan riyaale caadaysatay inay cabudhiso xor baanu ka dhigayna. Walaalayaal qabyaalada ayaan la dagaalamaynaa somalilandna waanu isku wadaynaa bari ilaa galbeed.

Walaalayaal wadankan waan usoo halgamay nin iiga lexejeclo badanina ma jiro, cimri aan wax ku cuno ma joogo ee waxaan rabaa inaan dhaxal uga tago dalka iyo dadka.

Iyadoo siilaanyo waxaas oo balanqaada u sameeyey dadka reer somaliland, iyaguna intay aamineen codkoodii ku siiyeen.
Waxa kaga soo baxay siilaanyo aan ahayn kii foodka ka rabay.

Cadaalad maanta somaliland halka joogto waan ognahay, hantidii umadana waataa dadkii danyarta ahaa inta laga saaro oo ganacsato laga iibiyo hadana guryo ingiriiska laga iibsanayo.
Saxaafadii iyo shacabkii kii hadlana waataa ciidanka duubcasta ee (rru)
Loo adeegsanayo.
Aqoonsi is weydiinba mayno oo maanta aduunkii sidii qayb somaliya ka mida ayaa la inoola macaamilaa.
Somaliland uu isku wado daayoo beelihii darafyada halkay maanta somaliland ka joogaan cid waliba waa ogtay.

Qabyaalada waxaba xarun u ah tvga qaranka oo habeenba odayaal reer hebel sheeganaya oo inta lacag la siiyo dawlada difaacaya la yidha.

Siilaanyo iskaba daa inuu bedelo wuxuu ku haystay dawladii hore wuxuuba ku darsaday boqol wax oo ka daran oo ka mid yihiin waxyaalo dawladii hore ka xishoon jirtay, waxana uu isku khalday taladii gurigiisa iyo tii wadanka.
Caruur iyo haweena wuu inagu sii daayay.
Waxanse ku kalsoonshay dadka reer somaliland iyagoo intaaba og inay ilaashanayaan wadankooda sugayaana maalinka iyaga loo baahanyay oo ah maalinka codaynta.

Wa bilahi tawfiiq
Khadar jama
London uk