Xisbiga Ucid ee dalka Finalnd wuu hambalyo udiryaaa saxaafada somaliland ee maalintii shalay ku beegneyd xuskoodii + waxaanu cambaareynayaa bahda saxaafada ee tacadiga lagu hayo ee xukuumada somaliland usoo jeesatay.

Xisbiga ucid ee dalka finalnd wuu hambalyo udiryaaa saxaafada somaliland ee maalintii shalay ku beegneyd xuskoodii + waxaanu cambaareynayaa bahda saxaafada ee tacadiga lagu hayo ee xukuumada somaliland usoo jeesatay.

ucid
Anagoo ah xisbiga ucid laantiisa finland waxaan hambalyo udirayanaa maalinta loo sumadey maalita saxaafada somaliland ee shalay ku beegnayd
9.november. sidan la wada socono saxaafada somaliland heerar faro badan ayey soo martay waxaney saxafiyiinta naftood hurayaasha ahi soo gaadhsiiyeen meel aanu ku qiyaasi karno inay ta dunida caalamka la jaan qaado, saxafiyiinta somaliland waa dad naftooda hura una hura inay mihnadooda saxafinimo horumar gaadhsiiyaan, hadaba waayada danbe waxaa soo if baxaya in dadka noocaas ah ee naftooda uhuraya siday umadooda ugu shaqeyn lahaayeen ee mushaharo ku filan helin lagu sii tacadiyo iyadoo wax danbi ah loo heyn layska xidho , waxaa  iyana jirta dhaqan xumo xukuumada kulmiye dalka ku soo kodhisay oo ah in meheradaha warbaahinta iyana quful loo jiido iyadoo aan wax meheradaa lagu xidhay aaney jirin
waxaan nasiib daro ah iyana in shalay aqal uu ku jiray mulkiilaha hctv  farxaan xaaji cali , laga saaro iyadoo ciidamada argagixisada la dagaalama la dulkeenay ee uu ahaa muwaadin sifo sharci dhulka lagu siiyey gurina ka dhistay isagoo hadaba sifadaa sharci ee lagu siiyey sharciga waafaqsaney waxa kastoo loo bahan yahayna in sifo sharci loola dhaqmey ahayd ee aan la iska odhan waxabaa loola jeeday.

hadaba haanu xisbiga ucid nahay hadii xukunka aanu ku guulaysno hadii alle yidhaa waxaanu raaci doonaa sharciga somaliland uyaala iyadoo muwaadiniinta aan lagu xadgudbi doonin, 

wariyayaash waxaan usoo jeedin lahaa xisbiga ucid imikaba si fiicanbaad ula shaqeysaan ee waxaan idiinbalan qaadi doonaa iney si xor ah oo xalaala hadii alle yidhaa markaan xukunka nimaadno aad hawshiina shaqo ugudan doontaan anagoo idiiin fududeyn doona sida caalamka inaad wax baadhaan oo wararka hubisaan ,wixii maamulka idinkaga xidhmana aad heli doontaa,, waxaa idinka caawin tababaro iyo qalab mihnadeedba


wabilaahi tawfiiq ,,,
Guul ucid                                                      guul ucid                                                           guusha yaa leh ucidbaa leh

xafiiska ucid finland