Xisbiga UCID Laanta UK, Waxanu Beeninaynaa Xilka Been Abuurka Ah Ee Uu Sheegtay Ninka Magaciisu Yahay Siciid Xariir Diiriye:

ucid tacsi

Maalintii daraad ee taariikhtu ahayd 06/11/2014 ayaa Website-ka Hadhwanaagnews waxanu ku aragnay sawirka nin ka tirsanaan jiray taageerayaasha xisbiga UCID ee London oo magaciisuna yahay Siciid Xariir Diiriye, ninkan oo sheegtay Xil Been Abuur ah, xilkaas oo ahaa in uu Yahay Xoghayaha Siyaasadda Xisbiga UCID ee Qaarada Yurub, isla markaana uu mareegtaa Hadhwanaagnews uu siiyay waraysi uu ku sheegay in uu iska casilay xilkii uu Xisbiga UCID u hayay.

Hadaba waxaan bulshaweyta reer Somaliland, Taageerayaasha Xisbiga UCID iyo Saxaafadda Madaxa banaan ee reer Somaliland u cadaynaynaa in ninka magaciisu yahay Siciid Xariir Diiriye aanu Xisbiga UCID wax xil ah ka hayn, sida ku cad warsaxaafadeedkii xarunta dhexe ee xisbiga UCID ee Hargeysa ka soo baxay maalintii shalay ee taariikhtu ahayd 07/10/2014 uuna uu ku saxeexnaa xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yusuf Kayse.
Sidaa darteed, Masuuliyiinta Xisbiga UCID qaasatan Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, anagoo ah masuuliyiinta Xisbiga UCID Laanta UK, waxaanu ka raaligalinaynaa xaalna ka siinaynaa aflagaadooyinkii ninkan taageerayaasha Xisbiga UCID ee London ka midka ahaa, idinkana waxaanu idinka rajeynaynaa in aad iska dulqaadataan maadaama aad bulsho balaadhan aad madax u tihiin, bulshadaas oo shiqsiyaad ka mid ahi uu hunguri qaadi karo iyagoo cadowga xisbiga u adeegaya, ama sida ninkan odayga ahi uu ku soo boodi karo xanuun xileed, siiba qoladayada qurbaha waa in aad iyo aad ugu dulqaadataan sababtoo ah qurbaha waad garanaysaan oo wuu hawla badanyahay.

Mudane Siciid Xariir Diiriye, waxaan halkan kuugu sheegayaa in muwaadinkasta oo reer Somaliland ah, oo ka mid ah Taageerayaasha 3 Xisbi Qaran wuxu xaq u leeyahay in uu xisbiguu doono taageero, waxaad waraysigaaga ku sheegtay in aad Xisbiga UCID Muddo badan taageeraysay lacag 100.000 kun Dollar ah ay kaaga baxday, aad baanu kaaga mahad celinaynaa mudadii aad taageeraysay, balse iminka haday kula noqotay in aad Xisbiga UCID taageeradii kala noqoto ama dantii shiqsiga ee aad lahayd aad ka dhexwayday may ahayn in aad caytanto ama aad Xil been abuur ah aad sheegato isla markaana Masuuliyiinta Xisbigana aad aflagaadayso, Siciidow Waxan Xasuustaa sanadkii 2013 adigoo Dood HCTV ka qaybgalay oo aad sheeganayso in aad tahay Wasiir Xisbiga UCID ah, waxa kale oo aan xasuustaa adigoo Website-ka Oodweynenews maqaal ku soo qoray oo aad sheeganayso Xoghayaha Siyaasada Xisbiga UCID Laanta UK, hadana waxad sheegatay Guddoomiyaha Guddiga La dagaalanka musuqmaasuqa, iminkana waxaad sheegatay in aad iska casishay Xilka ah Xoghayaha Siyaasada Xisbiga UCID Qaarada Yurub, hadaba waxa isweyndiin mudan xilalkan yaa kuu magacaabay? Ma Jin baa kuu magacaabay?, takale saxiib waxa sheegtay in aad ku sii socoto Xisbiga WADANI oo wadahadal idiin socdo, Xisbiga WADANI waa xisbi mucaarad ah oo aanu xidhiidh wanaagsan oo sookeeye leenahay, waxan u malaynayaa in ay jahadii kaa qaldantay, sababtoo ah cayda Guddoomiye Faysal Cali Xuseen iyo Murashaxa Madaxweyne ee UCID Jamaal Cali Xuseen waxad xil iyo aduunba kugu siin lahaa Xukuumadda Siilaanyo, lakiin waan ka xumahay waxaad garaacday albaab qaldan, ugu danbayntii Khayrbaanu kuu rajeynaynaa, anaga UCID UK ahaan af-xumo uunbaad nagala-tagtay, kuwa aad u tagaysaana Xisbiguu doono ha ahaadee af-xumo uunbaad ula tagaysaa iyo xil aan cidi kuu magacaabin oo aad adigu isku cimaamado.

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Saxaafadda
Ee Xisbiga UCID Laanta UK

warfaa_101@hotmail.co.uk