Xisbiga UCID waa xisbiga kaliye ee Musharaxnamidiisa cad ahay se Kulmiye iyo Wadani wali waa madow ayaa ku jira.

MAQAAL 

Xisbiga UCID oo doortay Musharraxiinta doorashada soo socota uga qeybgeli doonta (SAWIRRO)
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

 

Shirweynahan xisbiga oo maanta ka qabsoomay hoteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay Hogaanka sare ee xisbiga, golaha dhexe, golaha fulinta iyo ergooyin faro badan oo ka kala yimid gobolada iyo dibaddaba, kuwaas oo u yimid inay ka qaybgalaan shirweynahan.

 

Shirweynahan waxa lagu doortay musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi u matali doona doorashooyinka soo socda ee madaxtinimo Jamaal Cali Xuseen, halka musharax madaxweyne ku xigeena loo doortay Cabdirashiid Xasan Mataan, Guddoomiye kuxigeenna Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Guddoomiye kuxigeenka 4aadna waxa loo doortey Muxumed Maxamed,Xoghayaha Xisbiga Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Keyse), Waxa kale oo Shirkaasi Golaha dhexe lagu ansixiyey 251-ka xubnood ee guddida Golaha dhexe ka kooban tahay.

 

Shirweynaha waxa laga soo jeediyey khudbado kala duwan, waxaanu gudoomiyaha xisbiga UCID eedo usoo jeediyey xukuumada oo uu tilmaamay inay sharciyo badan jabisay, kuna tagri fashay awoodeeda dawladnimo.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland