Xisbiga Waddani iyo hogaamiyihiisa ruuxiga ah ee Ciro oo hantay quluubta Ummada Somaliland beri ilaa galbeed.

Xisbiga Waddani iyo hogaamiyihiisa ruuxiga ah ee Ciro oo hantay quluubta Ummada Somaliland beri ilaa galbeed.

Wadani 2

Aslaamu Calaykum.
Marka hore waxaan hamblyo & bogaadin u diraya Bulshada Berbera iyo Burco ee sida miligaha iyo maamuska leh u soo dhaweeyey Waftiga Gudomiyaha Xisbiga Wadani ahna gudoomiyaha Barlamanka Somaliland. Waxa aad muujiseen walaaltinimo , midnimo, ehelnimo iyo geesinimo, waxana soo dhaweyntiinu ay guul u tahay ummada somaliland meel kasta oo ay joogto guddo iyo dibeddba ee u heelan isbedel dhab ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan, sharaf iyo karaamo loo siman yahay iyo badbaadinta qarankeena 23 sano jirsday ee ay la degtay xukumada silaanyo.
Soo dhaweynta Xisbiga Wadani kala kulmay Shucuubta somaliland ee beri ilaa galbeed waxay marag ma doon u tahay sida u xisbiga wadani u muddo yar u la wareegay quluubta ummada somaliland. Xisbiga wadani wuxuu u taagan yahay midnimada, nabadeynta iyo hirgelinta himilooyinka Ummada somaliland higsanayso. Mabaadida xisbiga Wadani waxa buddhig u ah cadaalad iyo sinaanshaha bulshada somaliland sharciga hortiisa. Xisbiga wadani ayaa ah mid u taagan tixgelinta bulshada la hay sooco, dhiirigelinta haweenka, mujaahidiinta iyo dhalinyarada somaliland, waxa kale oo ka reeban xisbiga wadani ku dhaqanka qabyaalada iyo hab kasta oo lagu kala faquuqayo wada jirka bulshada somaliland.
Xisbiga Wadani oo u hogaaminayo haldoor Abdirahman Ciro oo ah siyaasi qunyar socod ah oo muddo ku dhow toban sano si odaytinimo ah u hogaaminayay Golaha Barlamanka Somaliland ayaa ah nin ay bulshada somaliland qaybaheeda kale duwan u arkaan in uu yahay qofka keliya mideyn kara qaranka somaliland ee xukumada Silaanyo ay qori dab leh qabadsiisay. Waxayna dadka siyaasada odorsaa ay sheegayaan in kumanaanka qof ee ku soo qulqulaya xisbiga wadani ay hordhac u tahay guusha isbedel doonka ah ka curtay Somaliland.
Si kastba ha ahaate, Xisbiga wadani iyo hogaamiyihiisa ruuxiga ah ee H.E. Abdirahman Ciro ayaa la odhan karaa waa wadiiqada keliya ee u furan shacabka Somaliland ee ay ku xaqiijin karaan isbedelka ay raacdaynayaan. Ugu danbeyntii, waxaana bulshada Somaliland ku boorinayaa in ay codkooda u hibeeyaan Xisbiga wadani doorashooyinka Wakiilada iyo madaxtooyada ee 2015 ka qabsoomi doona somaliland inshaa allah.

Allah Mahad leh

Saeed Abdullahi Dualeh
Bristol, UK.