Xisbiga Waddani oo xukuumada kaga adkaaday siyaasadii gudaha iyo tii dibada ayaa sababay inqilaabka by Abdi Mustafe

maqaal

Xukuumada markuu A/rahman Ciro kaga adkaaday siyaasadii dalka gudihiisa iyo dalka diba diisa ayey maroora dilaacii ku tashadeen inay golaha wakiilada inqilaabaan si ay qasab mudada uugu kordhistaan oon Shicibku haba yaraatee ka yeelayn. Marka ay xukuumada dabada ka war-wareejiso doorashadaba A/rahman Ciro deeq bixya yaasha ayuu markiiba Hargiesa ka soo rogga dowladuna wey fahmaysaa in Ciro u yeedhay.

Dalka gudihiisiina waxa xisbiga Waddani uu cadeeyey min Galbeed ilaa Bari in taageerada uugu badan ay heystaan. Sidaa darteed ayey Amina Weris oo Xirsi gaab jiideysaa Berbera uugu cararatay iyadoo ka baqeysa in maalinta Sabtida loogu daato madaxtooyada. Madaxweynaha oo caafimaad daro dartii u raaci kari waayey Berbera waxay kula sii balantay in uu habeenkaa u guuro guriga Cali Mareexaan inta wax kala miir dilaacayaan. Waxa gobol walba sugayaa in Hargiesa ay telephone ka helaan maalinta beri ah oo odhanaya ha la bilaabo mudaharaado waa hadii Taliskan nuguli isku dayo in jujuub lagaga qaado xilka gudoomiyaha golaha wakiilada. Hadii xukuumadan rag u talinayo sidan dey-dey nimada ah uumay dhaqanteen ee waxa meesha u taliaya Dumar iyo caruur sii jecleysanay inay boobka hantida ummada sii wadaan. Saaka dowladii badh waxa loo diray Berbera badhna waxa loo diray Burcao sidii oo ay wax ka soo bedeli karayaan taageera yaashii xisbiga Waddani oo walidaa daahirka ah ayaa dalka lagu hagaa. Isku soo xoori oo magaalada Hargiesa xaafad walba waxa looga diyaar garoobay hadii buuq ka dhasho golaha wakiilada in mudaharaad loogu daadanayo madaxtooyada la bilaabo gobalada kalena sidaa lagu war geliyo oo ay iyana bilaabaan. Waxaaba laga yaabaa in sidaasi dawo u noqoto xukuumada oo ay saaxiga keenaan markay arkaan quwada shicibka iyo in qof waliba isba RRU yahay oo qori heysto. Waxa beri uugu basaq basaq badan doona oo is qarin doona rag fara badan oo wasiiro le oo Guurti le oo wakiilo le. Xukuumadu ha ku soo dhawaato quwada shicibka oo madaxtooyada la kici doona meehsa ay doonaan na dab qabad siin doona.
Abdi_Mustafe123@yahoo.com