XISBIGA WADDANI UK OO LAAN CUSUB KA FURTAY GALBEEDKA LONDON XAAFADA SHEPHERDS BUSH

5
Xisbigi WADDANI oo hatan uu muqda xisbi aad loogu soo qul quulayo ayaa waxaa xalay oo jimca ah 7/11/14 uu laan cusub ka furtay galbeedka megaalada London xafada Shepherds bush, xafladaas oo ahayiid mid si wayin loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday hotelka Nomad ayada oo ay isugu yimaadeen gudida sare UK gudiyada lamaha North London,southeast london iyo xafada Slough iyo tageeryaal badan oo ka tirsan xisbiga WADDANI, waxaa hadalo  ka jeediyay gudoomiyayaasha lamaha UK oo uu ugu horeyay Ali Warsame oo isagu lanta cusub ee la furay uu sharxay waxa ay qabteen intii ay dhisnayiid lanta Southeast uguna balan qaday wada shaqaayin.
unnamed
Waxa kale oo isna halka ka hadlay gudoomiyaha North London Maxamuud Siciid Nuur oo ku dheeraday muhimida aay leedahay wada shaqaayinta isaga oo shegay in lanta uu madaxda ka yahay aay tahay laan aad uu mug leh una ka rajayinaayo in lantan cusub ee la dhisayina la mid noqoto lamaha dhisan amaba ka sii saraayiso. Waxa hadalo koo koban ka jeediyay goobta gudoomiyaha abaabulka laanta southeast Maxamed qowdhan Yolac iyo xoghayaha lanta Maxamed Dheeg oo iyaguna ku dheraaday in loo bahan yahay isku duubni iyo wada shaqayiin waxaa kalo isna hadalo kooban jediyay gudoomiye ku xigeenka Slough Shariif Yusuf, waxa kale oo hadalo ka jeediyay marti sharaftii kale ee gobta fadhiday.
 3
 
Waxaa gunaanadkii hadalo ka jeediyay gudida sare ee UK oo ay gob jog ahaayeen gudoomiyaha xisbiga WADDANI UK Xuseen Aadan Cade, Gudoomiyaha 2aad Keenadiid C/kariim Jaamac, Gudoomiyaha garabka haweenka Saayinab Ismaaciil, gudoomiyaha dhalin yarada Saadiq Sulub Madadaal, xoghayaha guud Khaalid Axmed Cismaan iyo gudoomiye ku xegeenka garabka haweenka Amina Maxamed kuwaas oo kuligood warbixin dheer ka siyay halka uu xisbigu maanta maraayo iyo waxa looga bahan yahay laanta cusub iyaga oo sheegay in xisbiga WADDANI aay dadku u soo galayaan si mug leh ayina marag ka tahay laamaha marba marka ka danbaayiisa laga furaayo UK iyada oo aay tageeryashu ku qanceen siyaasada xisbigu ku salaayisan yahay.
unnamed (1)
 
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI UK Xuseen Aadan Cade uu gobta ku ansixiyay gudida xaafada Shepherds Bush oo uu godoomiye u yahay Maxamuud Xasan Ow-maxamed halkas oo ay lantaasi ka mid noqotay laamaha ka dhisan London waxaanu ilahay ugu barayay in uu illahay uu fududeeyo xilka loo igmaday.
6
 
7
Gabagabadii waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha laanta Cusub ee xafada Shepherd bush mudane Maxamuud Xasan oo isagu balan qaaday in uu ku dadaali doono sidi uu u gudan lahaa xilka cusub ee loo igmaday uuna ula shaqayiin laha dhamaan laamaha UK uu ku leyahay xisbiga WADDANI isago uu mahad celiyay marti sharafkii iyo gudidi ka soo qayib gashay xaflada furitaanka lanta uu madaxa ka yahay.
2 3 unnamed1
Salaanmedia/London
Â