Xoolo kaa yaacaya ayaa la ceshadaa ee dad kaa yaacaya lama ceshan karo dalkiiba faqash baa ku soo rogaal celisay by Abdi Mustafe

maqaal
Xukuumada Silaanyo ee garan weyday xoolo kaa yaacaya ayaa la ceshadaa ee dad kaa yaacaya lama ceshan karo waa dowlad damiinad ah oo caqli dumar lagu hagaayo. Xukuumada iyo shicibka wax wanaaga oo maanta ka dhexeeyaa haba yaraatee ma jirto. Nidaamkii Faqashtii ayey soo celiyeen dadkuna si weyn bay u dareemeen oo waxa la marayaa degmo maxkamad  le in maxkamadii bad-baadada ee afweyne oo kale Ceerigaabo laga soo dhaqaajiyo oo Garadag loo diro oo ay weliba xukunkii qalafsanaa ee kacaanka ku ridaan dhalinyaro denbi looga dhigay maxaa Kulmiye uuga baxdeen ee uugu biirteen Waddani.Waxa dhacda marka wasiirada khamiista lala shirayo inta Xirsi dadka wada dhegeysto uu mid ba wax ka soo qaato hadal kiisa oo naqshada ka wada xado ayuu soo jeedinta uugu danbaysa yeeshaa dabeedna Silaanyo wuxuu ku waafaqaa Xirsi oo tiisa la qaataa.Madaxtooyadan wadanka laga xukumo cida fadhidaa waa Xirsi iyo Amina Weris oo telephone ku hagaysa ee xukuumad jirta oo dad kala jaadi ka talinayaan ma jirto. Wasiiradu siday Xirsi uuga baqaan Silaanyo uugama baqaan. Xirsi rais-alwasaare wuu ka xoog weynyey oo wixii uu Silaanyo u sheego uun baa shaqeeya. Hadaba maanta qofkii caqli lihi wuu garan karaa in meel halisa dalku ku suganyay. Waxa xaqiiq ah in CID la daba dhigay dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka oo qaar kood u yimaadeen oo u sheegeen oo ku yidhaahdeen waar idinku daba xiiqnay ee maa meel naga fadhiistaan oo aad uuga qosliyeen. Waxa la marayaa in shirkii uugu danbeeyey ee wasiirada laga yidhi suxufiyiinta Jabouti iyo juwa Ethiopia midna isma dhaqaajiyo kuwa Xamarna waaba la laayaa. Taa macnaheedu waxa weeye xid u jawwabi karta wasiirka sidaa soo jeediyey ma jirto oo waa la wada baqayaa in shaqada laga eryo. Kol hadii heer noocaasa la gaadhana waxa xigi wasiirada oo iyaguna cabudha oo yidhaa waannu is casilney oo ay ku biiraan mucaaradka. Hadaan wasiirku xor u ahayn fikir kiisa waxa shirarkaa ka soo baxaa sow noqon maayaan waxay dowlada iyo dalkuba ku jabaan. Shicibka oo keliyi ma dulmana ee macaa wasiirada ayaa dulman oo in loo doodo u baahan haday iyagu caqli istic maali waayeen oo shaqada iskaga tegi waayeen.