XUKUUMADA IYO WASIIR XIRSI OO HESHIIS LA GELAAYA SHEREKAD TALYAANI AH SI AY UQODO QABUURIHII SH/ ISAXAAQ, SAMAROON IYO CIISE, SI LOO OGAADO DNA DOODII.

 

xirsi

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda somaliland ee gudo iyo debedba, ka dib waxa dadka somaliland meel kasta oo ay joogaan la yaab, fajaciso iyo u qaadanwaa ku noqotay markii ay maqleen war kaga yaabshay, oo madaxoodu qaadi waayey, oo in badani ilaa hada rumeysan ladahay, in badanina tidhi waxa soo dhawaaday aakhiro samaankii, warkan ayaa la sheegayaa in madaxtooyada iyo wasiirkeeda xirsi kacaan ku hawlan yihiin, sidii loo qodi lahaa qabuurihii sheekhyada malaayiinka dadka ahi ka tafsiiranyihiin ee ku nool somaliland, wadamada geeska afrika, iyo daafaha aduunka oo dhan, oo kala ah Sh/ Isaxaaq, Sh/ Samaroon iyo Sh/ Ciise, oo sii mootan mudo hada laga joogo ilaa kun iyo dawr boqol oo sano, kuna aasan magaala xeebeedka ka tirsan gobolka sanaag ee xiis iyo maydh, waxay warar la rumaysan karo oo la helay intaa ku darayaan, in madaxtooyada laga hago dalka ay wasiir xirsi kacaan ay u xil saartay in uu heshiis qarsoodiya la galo sherekad laga leeyahay dalka talyaaniga oo danaysa in ay ogaato waxa ku jira meelaha taariikhiga ah, iyo siraha ku duugan, wada hadaladaas oo weli socda, ayaa hadii lagu heshiiyo, ayaa waxay hawshu bilaabmidoontaa hadii xukuumadu labo sano oo kordhin ah ama shan sano oo doorasho ah ku guulaysato, sherekada ayaa balan qaaday dhankeeda in ay bixin doonto lacag malaayiin ah, iyo waliba hordhac, waxay kaloo ku balan qaaday in ay xukuumada ka saacidi doonto dhanka doorashooyinka, si ay ugu guulaysato.
Waxa dadka kaga yaabshay waxa kooxdan joogta madaxtooyada, ay ku keeneen ama uguba fikireen sheekhyadan kumanaanka sano mootan, ee malaayiinka qof ka tafsiiran yihiin, awooyadana u yihiin, in ay yidhaahdaan qabuurahoodii ayaanu fadhaynaa, iyagoo qadarineyn, ixtiraamayn, cidna aan wax ka weydiin, hadii hadalkaasi rumoobo, waxa somaliland ka socdaa maaha wax sahlan, ee haloo diyaar garoobo waxa loo tafaxaytay sidii somaliland loo aasi lahaa lafteeda e.
Way jirta in wadamo badan oo aduunka ka mida, oo ku kala yaal qaaradaha aduunka, in tobaneeyihii sano ee ugu danbeeyey lagu arkaayey dad ama sherekado ku wareegaaya oo leh waxaan qodaynaa qabuurihii dad dhintay kumanaan sano, ama kaniisado iyo masaajidyo in badan dhisnaa oo taariikhiya, waxaana ka mid ah qaar yidhaahdeen waxaanu qodaynaa masjidka beytal qudus hoostiisa oo aanu ka baadhaynaa asaar, oo ilaa hada loo diidan yahay, hadaba marnaba umadda somaliland kamay fikirin waxay ka dhici doontaa dalka, oo waxa la odhan waxaanu qodanaynaa qubuurihii awoowyaashoodii ay ka tafsiirnaayeen, hadaba hadii ay arintan wax ka jiraan, waxaanu kula talin lahay kuwa faraha kula jiraa, in ay ka waantoobaan oo ilaahay u toobadkeenaan, oo fidnada iyo mashaakilka aanu dalku u baahnayn ka daayaan.

Q O R E ; CABDI CARRALE.

abdi cirsankayeedh