Xukuumada Somaliland Oo Toban Qof Ku Amartay Inay Dhakhso Uga Baxaan Guryo Dawladeed Oo Ay Ku Jiraan + Mulkiilaha HCTV Oo Kamida Dadkaas

Hargaysa

Nov 5, 2014 Hargeysa(SM) – -Xukuumada Somaliland ayaa ku amartay muwaadiniin guryo dawladeed ku jiray inay ka baxaan, guryahaa oo la filayo in lagu wareejin doono cidii dawladu ka iibisay. Wargelin arrintaa ka hadlaysana waxa soo saaray wasaarada hawlaha guud.

Qoraalkaa wargelinta ah oo uu ku saxeexan yahay wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saayiq wuxuu soo baxay 2.11.2014, waxaana lagu sheegay in dadka ay ku socotaa ay mudo todoba cisho gudahood ah ay ku baneeyaan guryaha dawlada ee ay ku jiraan, isla markaana waxa kale oo lagu sheegay in amarkaasi soo baxay kadib markii ay dadkaasi fulin waayeen heshiisyo hore loola galay oo ku saabsanaa guryaha ay ku jiraan. Sidaa darteed dawladu u baahatay in loo baneeyo guryahaa, cidii mudadaa ku banyan waydana waxa qoraalkaa lagu sheegay in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Dadka qoraalkaa loo diray waxay kala yihiin, Farxaan Xaaji Cali, Cabdi Xasan Maxamed, Maxamuud aw Yuusuf, Cali Maxamed Yuusuf, Xaamud Xaashi Xandule,Cabdiqani Cabdiraxmaan Ibraahim, Sabaax Maxamed Xabiib, Mustafe Xaaji Cabdi, Cabdilaahi Gahayr iyo Shirkada Red Sea. Guryahan dawladu dadka ka saarayso ayaa la tilmaamayaa in la iibiyay ama la iibin doono.
sir-culus-744x1024