Yusuf Garaad Tiaftirihii Hore ee Laanta afka-Somaliga BBC-da oo markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka Madaxda Somalia

Yusuf Garaad Tiaftirihii Hore ee Laanta afka-Somaliga BBC-da oo markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka Madaxda Somalia

​ok

Siyaasiyiinteennu waa in ay wax ka bartaan oo ku daydaan hannaanka siyaasadda ee caalamka Dowlad wanaagga looga dhaqmo. Haddii ay yaqaannaan laakiin ay la tahay in aan Soomaaliya looga baahnayn ama aan Soomaalidu u qalmin, waxaan u haystaa in ay nagu dagmeen.

Baarlamaanku sharci ayuu dejiyaa, siyaasaddiisana sharci ayuu ku meel mariyaa. Sidoo kale, khilaafkiisa sharci ayuu ku kala saaraa. Ma ahan in la isku dayo in wax aan ku qorneyn xeerka Baarlamaanka la isku hor taago ama lagu meelmariyo mooshin.

Golaha Wasiirrada oo tiro ahaan ka kooban Baarlamaanka ayaan isaguna dhaliil la’aan ahayn.

Mucaarad ayaa Ra’iisal Wasaare ugu baaqa in uu is casilo. Sababta oo ah mucaaradku xukuumadda cod kuma laha, kamana tirsana.

Weyna dhacdaa in Wasiir uu sinnaba ugu qanci waayo habka Ra’iisal Wasaare ku socdo ama uu wax u maamulayo. Markaas Wasiirka ayaa laga rabaa in uu is casilo oo iska beri yeelo siyaasaddaas uu ku qanci waayay. Markaasna isaga oo aan Xukuumadda ka tirsaneyn uu mucaarado siyaasadda Ra’iisal Wasaaraha.

Yaan dhinacna wax igu seegin. Oo Xukuumadda aan isku dayo in aan rido, haddii aan ridi waayana aan isaga jiro oo yaan jagadeydu i seegin, ma ahan dhaqan siyaasadeed oo wanaagsan.

Hore ayay u dhacday, haddana way taagan tahay. Waxaan rajeynayaa in ay siyaasiyiinteennu ay ka koraan oo ay ka qaangaaraan daneysiga shakhsiga ah ee mutuxan ee aan mada’ iyo dan dal midna ku saleysneyn isla markaana aan lagala xishooneyn shacabka Soomaaliyeed.

Ku meel gaarkii waan ka qaangaarnay ee dhaqanxumadii siyaadeed ee ku meel gaarka waa in ay siyaasiyiinteennu ay ka qaangaaraan.

Yuusuf Garaad Omar Axmed