Afhayeenka Ciidamada AMISOM Soomaaliya Oo Ka Warbixiyay Weerar Maanta Lagu Soo Qaaday Xerada Xallane Ee Magaalada Muqdisho.

imageMuqdisho-(SM)-Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay fashiliyeen isku day weerar oo Al-Shabaab ku soo qaaday Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee AMISOM.

Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in xaalada ay iminka degan tahay, isla markaana ay gacanta ku hayaan ammaanka sida uu yiri.

“Isku day weerar ayuu ahaa, xerada agagaarkeeda ayuu ka dhigay, waana la fashiliyay, xaalada waa degan tahay, gacanteena ayay ku jirtaa, khasaaraha dib ayaa ka soo sheegi doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

Waxaa uu sheegay in foojignaanta ciidamada AMISOM ee ku hareereysan xerada ay keentay inay weerarka fashiliyaan, isagoo ka gaabsanayay inuu faah faahin rasmi ah ka bixiyo weerarkaas iyo sida uu ku dhacay.

Rag hubeysan oo ilaa shan ruux gaarayay, kuna hubeysnaa qoryaha fudud, bambaanooyin iyo jaakadaha qarxa ayaa maanta duhurkii galay xerada Xalane, halkaasoo dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay.

Rasaas iyo qaraxyo oo dhowr saacado socotay ayaa laga maqlayay xerada Xalane, waxaana weerarkaas uu hakiyay dhaq dhaqaaqii wadada aada Air Porka iyo duulimaadyadii diyaaradaha.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Col. Paddy Ankuna ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dhamaan AMISOM iyo shaqaalaha UN-ka ay bad qabaan, isla markaana ay iska caabiyeen Shabaabkii soo weeraray.

Sidoo kale Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay ku soo beegeen xilli ay xaflada ciida masiixiga ka socotay, waxaana ay sheegteen in tiro ka mid ah dagaalyahanadooda ay gudaha ugu jiraan xarunta Xalane.

Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii howlaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ku yaal xeyndaabka weyn ee Xarunta Xalane, halkaasoo ay ku yaalaan Xafiisyada hey’adaha Qaramada Midoobey iyo safaaradaha qaar ee reer galbeedka.

Salaanmedia/Moqdisho

Xigasho

Boormanewsonline