Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda Md: Khadar Axmed Diiriye oo Maanta Kulan Hawled furay Sidii Caruurta Sharciga Khilaafta Loogu samayn Lahaa Siyaasad Cad

imageAgaasimaha Wasaaradda Cadaaladda Md: Khadar Axmed Diiriye oo Maanta Kulan Hawled furay Sidii Caruurta Sharciga Khilaafta Loogu samayn Lahaa Siyaasad Cad
Hargeysa(SM)Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Cadaaladda Iyo Garsoorka S/Land Md:Khadar Axmed Diiriye Ayaa Maanta Kulan Hawled furay , Kulan Howled Kaasi Oo Ku Saabsanaa Sidii Carruurta Sharciga Khilaafta Loogu Dajin Lahaa Siyaasad Cad Oo Lagu Maamulaayo, Kulankani Oo Ay Ka Qaybqaadanaayeen Xubno Ka Kala Socday Bahda Cadaalada Dalka.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Cadaalada Somliland Mudane Khadar Axmed Diiriye Oo Kulankaasi Si Rasmi Ah Ufuray Ayaa Ka Waramay In Kulankani Uu Ka Mid Yahay Barnaamijyo Wasaaradda Cadaaladu Wado Iydoo Looga Gol Leeyahay In Carruurta Da-Yarta Ah Ee Sharciaga Khilaafta Loola Dhaqmi Lahaa ,Looguna Naxariisan Lahaa,Waxaanu Agaasimaha Guud Tilmaamay In Ay Lagama Maar Maan Tahay In Carruurteena La Ilaaliyo Xuquuqdooda Aas Aasiga Ah,Iyadoo
Arrintooda Si Fudud Loo Waajahaayo,Waxaanu Xubnihii Goobtaasi Fadhiyey Ka Dalbaday In Arrintani La Hirgaliyo Isla Markaasina Baarlamaanka La Horgeeyo Si Xeer Laaga Soo Saaro.
Dhinaca Kalena Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caddaaladdu Wuxuu Si Qotodheer Ula Dardaarmay Xubnihii Ka Qaybqaadanaayey Kulankaasi Lagu Lafo Guraayo Sidii Xil La Iskaga Saari Lahaa Ilaalinta Carruurta Sharciaga Khilaafta ,Iyadoo Aanay Meesha Aanay Ka Maqneyn Sidii Dhaqan Celin Loogu Sameyn Lahaa Si Marka Ay Bulshadeena Dib Ugu Soo Noqdaan Ay Aka Muuqan Lahayd Akhlaaqdii La Soo Siiyey ,Halka Xukuumaduna Siyaasad Cad Ka Leedahay Oo Lagu Maamulaayo Laguna Daryeelaayo Xuquuqda Carruurta Oo Ay Diinteena Suubanba Ina Farayso Ilaalintooda Iyo Daryeelidoodaba.

Waxaanu Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caddaaladu Kulad Dardaamay Xubnihii Ka Qaybgalayaasha Ahaa In Ay Ka Faaiidaystaan Isla Markaasina Go-Aano Wax Ku Ool Ah Ka Soo Saaraan Mudada Uu Socdo Kulankani,Wasaaradda Cadaaladu Howr Jeer Oo Hore Ayey Kulamada Noocan Oo Kale Ah Qabatay,

Kulamdasi Carrruura Lagaga Hadlaayo Oo Ay Maalgaliso Hay-Ada Save The Childern, Iyadoo Laaga Baahnaa In Ay Bulshadeena Ka Taakulayso Dhinacyada Ay Ka Liitaan Sida Dadka Danyarta Ah Ee Aan Helin Cid Ka Taakuleysa Cabashooyinka Ya Ka Qabaan Dhinaca Sharciga Iyo Looyaro Iyaga Matalaaya Oo Uhadla Xilaga Ay Ku Gudo Jiraan Dhinaca Dacwadaha Maxkamadaha,Maadaama Uu Dalkenu Yahay Dal Dimuqraadi Ah Oo Aanay Cidna Cid Cabunineynin.

 

Salaanmedia/Hargaysa