Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Sarkaal Shabaabka ka tirsan oo 3 milyan lagu baadi goobaayay

YNEWS5555Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxay maanta si buuxdo gacanta ugu dhigeen Sakariye Ismaaciil Xersi, oo ka tirsanaa Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, oo dagaal adag kula jira Dowladda Somaliya.

Ninkaan, ayaa waxaa lagu qabtay afaafka hore ee Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ka gadaal markii la ogaaday in uu ku sugan yahay guri ku yaala halkaasi, oo sida wararku sheegayaan uu xalay ku hoyday.

Ciidamada Dowladda oo isku gadaamay gurigii uu ku sugnaa Sakariye Ismaaciil Xersi, ayaa waxaa suurta gashay in si nabdoon uu isugu soo dhiibo, iyadoo aanu samayn wax iska caabin ah, waxaana lala soo qabtay hal nin oo xoghayn u ahaa, kaasoo lagu magacaabo Aadan Maxame Maxamuud (Jilbo Weyne).

Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ciidanka Xooga Dalka ee Gobolada Koonfureed, ayaa horkacaayay Ciidamadii Dowladda ee gacanta ku soo dhigay ninka ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Warar aan la xaqiijin karin, ayaa waxay sheegayaan in Sakariye Ismaaciil Xersi uu isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somaliya, sidaana uu ku yimid guriga ku yaala afaafka hore ee Degmada Ceelwaaq.

Ciidamada Militariga Kenya ee ku sugan Degmada Ceelwaaq, ayaa waxay Ciidanka Xooga Dalka weydiisteen in lagu soo wareejiyo Sakariye Ismaaciil Xersi, si dalkooda loogu Maxkamadeeyo, hase ahaatee waa ay ku gacan-seyreen.

Dowladda Mareykanka, ayaa saddex milyan oo lacagta Mareykanka ($3,000,000) dul dhigtay madaxa Sakariye Ismaaciil Xersi, bartamihii sanadka 2012-ka, xilligaa waxay aad isugu wanaagsanaayeen Amiirkii Ururka Al Shabaab ee la dilay Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane). Markii dambena waxa uu ka mid ahaa Saraakiishii Shabaabka ee uu go’doomiyay Ina Godae.

Sakariye, ayaa ahaa Madaxii Sirdoonka Ururka Al Shabaab ee Afrikada Bari (Geeska Afrika), waa intii uu cilaaqaadka kala dhaxeeyay Godane, iyadoo kolkii dambe la xusuusto in Shabaabku uu kula dagaalamaayay Gobolkaasi Gedo, oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo.

Ilo wareedyo, ayaa waxay sheegayaan in Sakariye Ismaaciil Xersi loo soo kaxayn doono Magaalada Muqdisho, si Dowladdu kaga gaarto go’aan rasmi ah.

Salaanmedia/Moqdidho