Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay diyaar u tahay in ciidan geyso Magaalada Kismaayo 22nd December 2014 by Kalgacal

imageRa’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Itoobiya ay diyaar u tahay, inay buuxiso booska ay baneynayaan Ciidamada Militariga Sierra Leone, oo ka baxaaya gebi ahaanba dallada Amisom.

850 askari oo ka socdo dalka Sierra Leone, ayaa waxay xilligaan ku sugan yihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana toddobaadkii hore la go’aamiyay in dib loogu celiyo dalkooda, markii la waayay ciidan kale oo bedel u noqdo. Sababo ku aadan cudurka Ebola oo si weyn ugu sii baahaaya dalkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa wuxuu iftiimiyay haddii uu jiro codsi kaga yimaado Ururka Midowga Afrika, in Itoobiya ay diyaar u tahay inay buuxiso booska ay baneynayaan Xoogaga Sierra Leone.

Ra’iisal Wasaaraha oo maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Addis Ababa, ayaa xusay in loo baahan yahay in la buuxiyo booskii Ciidamada Sierra Leone, iyadoo diirada la saaraayo la dagaalanka Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu rajeynayaa inaanay sii socon in la baneeyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, haddii kol kasta loo baahanaayo in la helo xoogag kale oo buuxiya boosaska ay baneynayaan askarta.

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha, ayaa qaba in Itoobiya ay khatar ugu jirto weeraro xilligaan kaga yimaada Ururka Al Shabaab, haddii weeraro laga hortagey ay ka geysteen dalka Uganda.

Hailemariam Desalegn, ayaa soo hadalqaaday Shabaabku inaanay weli weeraro ka geysan dalka Itoobiya, waayo Itoobiya oo ka feejigan khatarta Al Shabaab, sida uu yiri.

Salaanmedia/Mogdisho