Dowladda Somaliya oo taageertay in liiska argagaxisada laga saaro Sheekh Maxamed Saciid Atam

image

Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxay si diiran u soo dhaweysay tallaabada uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe, xayiraadaha kaga qaaday Sheekh Maxamed Saciid Atam, oo sanadkaan ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

Sii Haayaha Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo ku hadlaayay afka Dowladda Somaliya, ayaa soo dhaweeyay tallaabada liiska 1844 looga saaray Sheekh Maxamed Saciid Atam.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobe oo ay Sheekh Atam uga saareen liiska cunaqabatenta 1844.” Ayuu yiri Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Wasiir Dhuxulow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaaya in Dowladda Somaliya, ay Golaha Ammaanka ku wada heshiiyeen in liiska argagaxisada laga saaro, muwaadiniinta Somaliyeed ee isaga baxay Ururka Al Shabaab.

“Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe si loogu guuleysto in muwaadin Somaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada, isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta.” Ayuu yiri Wasiir Dhuxulow.

Dhuxulow, ayaa waxa uu tallaabadaan ku sheegay tallaabo wanaagsan oo Atam oo kaliya aan farxad u ahayn, laakiin ay farxad u tahay dhammaan shacabka Somaliyeed kuwooda nabadda jacel.

“Tani waa tallaabo weyn oo Atam kaliya ma ahee xitaa dhammaan dadka nabadda jecel, ayay guul u tahay. Tani waa habka uu caalamka isku raacsanyahay oo lagu gaari karo nabad. ” ayuu sii raaciyay Dhuxulow.

Salaanmedia/Mogdisho