Fanaanka Caanka Ah Cabdi Tahliil Warsame Oo Ku Sugan Xaalad Caafimaad Darro Oo Liidata Oo Ka Codsaday Bulshada Somaliyeed In Loo Soo Duceeyo

imageCABDI_TAHLIILDec 21, 2014 Hargeysa (SM) – Fanaanka Caanka Ah Ee Cabdi Tahliil Warsame Oo Mudooyinkii U Danbeeyey Ku Sugnaa Xaalad Caafimaad Daro Ayaa Iminka Ku Sugan Marxalad Liidata, isgoo ku xanuusanaaya Magaalada Muqdisho.
Fanaanka Caanka Ah Ee Cabdi Tahliil Warsame Oo Mudooyinkii U Danbeeyey U Jiifay Xanuun La Soo Dersay Ayaa Xaaladiisu Iminka Tahay Mid Ka Siii daraysa Waxaana Fanaanku waqtigan ku sugan yahay xaalad caafimaad daro oo aad u liidata isagoo mudo badan u soo jiifay xanuunkan oo marba marka ka danbaysa xaaladiisu ka so daraysay.
Fanaankaa ayaa lagu soo waramayaa in uu la ildaran yahay xanuun daran kaa oo la sheegay in uu Fanaanka dhulka la yaalo waxaana ehelkiisa ay sheegeen in ay kala quusteen dhakhaatiirta Gudaha Soomaaliya
Fananaanka Cabdi Tahliil Ayaa Bulshada somaliyeed ka dalbaday inay u soo duceeyaan ilaahayna uga baryaan inuu xanuunka ka dul qaado oo caafimaad siiyo.

Salaanmedia/London

xigasho cadced