Gudoomiye Cirro Oo Si Kooban Uga Hadlay Munaasibad Waddani Berbera Ku Lahaa Oo Xukumaddu Carqaladaysay

Gudoomiye Cirro Oo Si Kooban Uga Hadlay Munaasibad Waddani Berbera Ku Lahaa Oo Xukumaddu Carqaladaysay

Berbera(SM)December-18-2014-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani,ahna Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,ayaa sheegay inaanay taageerayaasha ku soo biiraya ee ka soo wareegaya Kulmiye aanay Xukumaddu joojin karin si kasta oo ay iskugu daydo.

Hadalka Gudoomiye Cirro ayaa ka dambeeyay ka dib markii Xukumaddu diiday Munaasibad uu Xisbiga Waddani taageerayaal Kulmiye ka soo wareegaya oo ku soo biiray waddani ugu qaban lahaa Hotel,balse aakhirkii Xisbigu Xaruntiisa Berbera ugu qabtay Xaflad soo dhaweyn ah taageerayaashaasi.

“Caqabadkasta oo xukuumaddu isku deydo inay ku hakiso taageerada Xisbiga WADDANI ee sii kordhaysa maalinwalba, ma joojinayso taageerada aanu ka helayno shacabka ku hungoobay Kulmiye, laakiin arimahaasi waa qaar shacabka tusaya wajiga dhabta ah ee kulmiye, Xisbiga Waddani-na kor-u-qaadaya” ayuu yidhi Gudoomiye Cirrooo Berbera kaga qayb galay Munaasibadda soo dhaweynta.

Gudoomiye Cirro iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Berbera u tagay ka qayb galka munaasibada lagu soo dhaweynayo Taageerayaasha cusub ee Waddani, waxaana muuqata in Xukumaddu ka xuntahay taageerayaasha ku soo qulqulaya Waddani.

Salaanmedia/Berbera