Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay rag ka ganacsan jiray hilibka Dameeraha oo Beladweyne lagu qabtay

imageGMaamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay rag shalay lagu qabtay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka ganacsanaayay hilibka dameerka.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ragaasi gacanta lagu haayo oo ciidamada Booliiska Magaalada Beladweyne ay soo qabteen.

Waxa uu sheegay Sheekh Xuseen inay aad uga naxeen markii ay maqleen arintaasi, maadaama hilibka dameerka oo xaaraan ah ay dadkaasi ka ganacsan jireen, islamarkaana wuxuu sheegay in dadkaasi sharciga la waafajin doono, marka uu dhamaado baaritaanka hada lagu haayo.

“Ragaas waa jiraan kiiskooda Booliiska ayaa gacanta ku haayo ma rabo inaan si faah-faahsan uga hadlo ilaa baaritaanka uu soo dhamaado, laakiin wax aad looga naxo waaye hilib dameer oo xaaraan ah in dad ay ka ganacsadaan oo Magaalo ay ku dhexwadaan”Ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa tilmaamay in arintaan ay ku dhalisay inay sameeyaan meel gaar ah oo hilibka Magaalada lagu qalo, sidoo kalena kawaan gaar ah lagu iibiyo loo sameyn doono, si loola socda hilibka Magaalada lagu iibiyo, wuxuuna tilmaamay in qorshahaasi ay shalay ka shireen maamulka oo sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhaqaaqaayo.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn in ragan la qabtay ee lagu qabtay ka ganacsiga hilibka dameeraha, ayaan hadana waxaan la kala saari karin inay si toos ah dadka ugu iibinayeen iyo inay ku dari jireen raashinka bisil, sida sanbuuska, iyo raashinka kale ee hilibka bisil dhexda looga daro.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa culimada Magaalada Beladweyne wuxuu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen ka wacyigelinta Bulshada waxyaabaha xaaraanta ah iyo waxa xalaasha ah.

Shalay ayeey aheyd markii Booliiska Magaalada Beladweyne ay gacanta ku dhigeen afar ruux oo watay Hilib dameer oo jawaan ku jiray, raga la qabtay ayaa ahaa afar oo hada ku xiran Saldhiga Magaalada Beladweyne.