Madaxweynaha Somaliya oo shir jaraa’id kaga hadlay wada hadaladii ay la galeen Somaliland

imageMadaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu shir jaraa’id kaga hadlay wada hadaladii maanta lagu soo gaba gabeeyay dalka Jabuuti, ee ay kula galeen wefdigii uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud.

 

 

Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlaayay ujeedadii ay u taggeen dalka Jabuuti, ayaa yiri “Waxaan booqasho gaaban ku tagnay dalka Jabuuti, oo aan shalay tagnay, galabtana ka soo noqonay, xalayna joognay. Waxaan halkaa kula soo kulanay wefdi ka socday Somalialand, oo uu hogaaminaayay Madaxweyne Siilaanyo.”

Madaxweynaha oo ka waramaaya waxyaabihii ay ka wada hadleen waxa uu yiri “Amuurihii wada hadalada soo socday ee Somaliland iyo Somaliya uun baa halkeedii laga sii amba qaadaayay, bayaanaa soo saarnay dhowr qodob ka kooban, si hoosena waxaan uga wada hadalnay amuurahaas.”

 

Waxa kaloo uu yiri “Waa horumar runtii aad u wanaagsan oo la taaban karana waa ka dhacay, oo is fahamkii labada dhinac, mudada dheer soo socday wada hadaladoodii, in ay meel soo gaareen hadda, siina socon doonaan, haddii Alle yiraahdo.”

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri “Waxyaabaha ugu muhiimsan waa hadaladii in aad loo sii xoojiyo, la sii dardargeliyo, laguna dhiirado amuuraha masiiriga ah, ee u dhaxeeya labada dhinac, ka hadlaayo masiiriga Somaliya guud ahaanteed iyo sidii ay dadka Somaliyeed ee dalka degan, isula jaan qaadi lahaayeen. Wixii tabasho iyo dhibaatooyin ah ee jira, looga wada hadli lahaa, si labada dhinacba ay raali ku yihiin loo gaari lahaa, oo maslaxada ummada ay ku jirto.”

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa qiray inay muddo saacado ah wada hadlayeen wefdiga Somaliland, wuxuuna yiri “Saacado dheer, ayaan aad iyo aad u sheekeysanay, u wada hadalnay, guddiyo farsamo oo labada dhinacna wixii farsamo ah way ka hadleen. Wixii horey loogu heshiiyay oo leesla gartay in la sii xoojiyo, waxyaabaha dhimana in si deg deg ah loo dardar-geliyo, oo la horumariyo.”

Madaxweynaha, ayaa xusay in sanadka soo socdo ay labada dhinac markale isu arki doonaan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, oo horeyba uu kaga soconaayay wada hadaladii Somaliya iyo Somaliland.

“Sanadka cusub horaantiisa bisha labaad ee sanadka in markale Magaalada Istanbul, oo wada hadalada Somalida ka socon jirayna in dib leeskugu noqdo, wada hadaladii in halkoodii laga sii wado ayaan ku ballanay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti iyo dadkiisaba kaga mahadceliyay, kulanka ay labada dhinacba ugu qabteen Magaalada Djibouti.

Salaanmedia/Mogdisho