Madaxweynayaasha Somaliland, Somalia iyo Djibouti oo Hadhimo Sharafeed Qado ah ku kulmay Maanta+SAWIRO.

imageQado sharaf ah ayaa ka dhacay Hotel Kempinski, oo ay ku kulmeen Saddexda Madaxweyne ee Jamhuuriyada Somaliland, Somalia iyo Djibouti, .
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
Kulankan ayaa noqonaaya kulankii ugu horeeyey ee ay maanta isku arkaan saddexda madaxweyne iyadoo kulankan ka xigana la filaayo inuu si rasmiya u furidoono wada hadalka labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya kuwada yeelan doonaan Dalka Jabuuti.
ka dib kulankaasi qado sharafta waxa ay madaxweyneyaashu u balameen Maalinta berito ah inay si rasmi ah u gudo galaan ujeedada kulanka, lagu soo afjaray kulankii maanta ee ahaa soo dhawaynta iyo qado sharafta ka dib.

Salaanmedia/Hargaysa

image