Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambaareeyey Weerarkii Xarunta Amisom

madaxweyneDec 27, 2014 Muqdisho (SM) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul u cambaareeyay weerar shalay lagu qaaday goob ka tirsan Xarunta ciidammada AMISOM ee magaaladan Muqdisho.

Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay wax laga xumaado in la weeraro dad u soo gurmaday in ay gacan ka geystaan nabadeynta dalkeenna.

Daawo Muqaal..Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo si aan la fileyn uga hadlay weerarkii shalay lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu tacsi u diray qoysaskii dadkii ku naf waayay weerarka, wuxuuna sheegay in aan ummadda Soomaaliyeed illoobi doonin. Madaxweynuhu wuxuu tacsi taa la mid ah u diray Madaxda iyo shucuubta dalalka ay u dhasheen dadkii ku dhintay weerarka.
—Dhammaad—