MAXAA XAQIIQADII LAGA WADA HADLAY SHIRKII DJIPUTI EE 3DEXDA MADAXWEYNE.

HABIIL

Waxaan kawada dharagsanahay halka lakala joogo somaliland iyo somaliya madaxweynayaashooda sharaxaad badana uma baahna laakiin waxaa muhiima in la ogaado qodob weyn oo madaxda kawada hadashay, federaalka somaliya maxaa laga yeelayaa, xasan oo watay fikrad lagu baabiinayo federaalka gobolada koonfureed ee somaliya taasoo uu soo jeediyey in federaalku uu noqdo somaliland iyo somaliya taas waa laga diiday waxaana loo sheegay inaanay joogin meel gobolada federaalka somaliya lagu baabiin karo waana arin ay wadato beesha caalamka.

Waxaa laga wada hadlay sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan federaalka koonfurta Somaliya kadibna loo soo gudbo con-federaal laba dawladood oo hal xukuumad oo dhexe leh midwalbana dawladeeda goonida ah leedahay. waxaa muhiima in lafahmo somaliya maanta wax gacanta ugu jira majiraan taladana waxaa gacanta ku haya Nick Kay oo safiirnimo ka gudbay una gudbay UN GOVERNOR taasaana muhiima in lagu wada xisaabtamo.

Xisbiga shacabka geeska afrika siyaasadiisu waa in laga madaxbanaanaado shisheeyaha oo soomaliyi taliso si taas loo gaadho waxaa loo baahanyahay in lahelo taageerada shacabka somaliyeed ee geeska afrika kunool qasdigeena siyaasadeed waa in somaliyi isku tashato oo aan wax qabsano kana midawno siyaasada naqaybinaysa. gabagabadii waxaan usoo jeedinayaa dhamaan madaxda iyo shacabka geeska afrika inay taageero siiyaan siyaasada xisbiga shacabka geeska afrika ee midaynta dantaa guud ee geeska afrika.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA

PHILOSOPHER;

HAABIIL CABDI HAYBE.