Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Shaaciyay In Uu Soo Dhisi Doono Gole Wasiiro Oo Ka 25 Ka Kooban

image

Dec 26, 2014 Muqdisho (SM) – Raysal Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dhawaan uu soo dhisayo Golle Wasiiro oo tayo leh ,kuwaa uu tilmaamay in uu kusoo xulan doono waxqabad iyo karti.
Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ayaa Tilmaamay in Tirad Golihiisa Wasiirada ay ka koobnaan doonaan ilaa 25-Wasiir iyo Wasiir kuxigeeno, waxa uuna intaa raaciyay in Wasiiradan uu kusoo dhisayo wadatashi dhinacyo kala duwan ah
R/Wasaaraa Soomaaliya ayaa wada wadatashiyo ku aadan Golaha Wasiirada uu soo magacaabayo, waxaana uu cadeeyay in ay suurto gal tahay in Golihiisa Wasiirada ay kamid noqdaan Wasiiro katirsanaa xukuumadii dhacday.
Waxa kale uu sheegay R/Wasaaraha Soomaaliya in ay jiraan dad badan oo orod ugu jira in ay kamid noqdaan Golaha Wasiirada ,balse uu tilmaamay in Wasiirada ay ka koobnaan doonaan 25-Wasiir ayna suurto gal noqon Karin in qof kasta lagu qanciyo in Wasiir laga dhigo.