Sarkaal ka tirsan Militariga oo lagu dilay Magaalada Muqdisho 23rd December 2014 by Kalgacal

imageSarkaalkaan, ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay wadada horumarta Daljirka Dahson ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada tagta dhinaca Degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sarkaalku waxa uu ka watay gaari nooca raaxada ah, waxaana la socday Sarkaal kale oo militariga ka tirsan, iyadoo la soo sheegaayo in rasaas ay ku furayn rag ku labisnaa dareyska Ciidanka Dowladda, oo halkaasi ka ag-dhawaa.

Sarkaalkii kale ee la socday, ayaa waxay wararku sheegayaan in uu ka badbaaday rasaastaasi, marka laga soo taggo in uu ku dhintay Sarkaalkii gaariga watay, oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Bashiir Cali.

Marxuumku waxa uu ka tirsanaa Guutada 21-aad ee Ciidanka Xooga Dalka, sida ay xaqiijisay afadiisii oo ka hadashay dilka loogu geystay wadada horumarta Daljirka Dahson.

Si rasmi ah looma garanaayo sababtA ka dambeysay dilka Sarkaalkaan iyo weliba cidda dhabta ah ee dishay, maadaama la ogyahay in Magaalada Muqdisho ay xilliyada qaarkood labista askarta ku dhex qaataan, rag aan ka tirsanayn Ciidanka Dowladda.

Saraakiisha Nabad Suggida iyo Booliska Gobolka Banaadir oo nabadgelyada qaabilsan, ayaan wax war ah ka soo saarin tallaabada lagu rasaaseeyay gaarigii uu watay marxuum Cabdi Bashiir Cali.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu arkaa askar ku labisan dareyska Ciidamada Militariga, isla-markaana hubka kula dhex mara xaafadaha Caasimada.

Salaanmedia/Mogdisho