Sawiro…Qodobadii ka soo baxay Shirweynaha Qurba Joogta Beesha Reer Yoonis “SEES”

21 20 19 18 17 16 15 14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 121

Qodobadii ka soo baxay Shirweynaha Qurba Joogta Beesha

Reer Yoonis “SEES”

Taariikh: 02 Dec 2014

 

Hordhac

Shirweynaha qurba joogta beesha Yoonis abdiraxmaan oo lagu qabtey Hotel Crown Plaza ee magaalada London taariitkhdu markey ahayd 30 Nofeember 2014 ayaa waxaa ka soo qayb galay aqoon yahano, dhalinyaro, cuqaal iyo haween, oo ka kala yimid qaaradda yurub, America, iyo Australia.

 

Waxaa kaloo khadka telefoonka kaga soo qayb galay qurba joog fara badan oo ka soo hadlay wadamo badan oo iyagana fikir kooda dhiibanayeen iyo taladoodaba.

 

Shirkan oo si heer caalami ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ujeedadiisu ay ahayd sidii loo hormarin lahaa deegaanada beesha isla markaana loo mideyn lahaa qurba joogta beesha maal iyo maskaxba.

 

Waxaa halkaas ka hadlay dad badan oo ay hormood ka ahaayeen Dr Cismaan Suldaan Cali, Salaad Jama Diiriye, Maxamud Jama Qodax, Saleebaan Xasan Warsame iyo Maxamed Abdi Halac, oo iyagu halkaas ka soo jeediyey qudbado ay ku dheehantahay baraarujin, wacyigalin, talooyin iyo sidii beesu ay wax u qabsanlahayd gudo iyo dibadba.

 

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay haween iyo dhalinyaro fir fircoon oo si kal iyo laab ah u muujiyey sida ay u doonayaan inay dadkooda iyo dalkoodaba wax u qabtaan.

 

Waxaa halkaas loogu yaboohay lacag fara badan dhismaha dugsiga sare ee degmada Laasciidle

 

Ajandaha shirka lagu falanqaynayey waxaa ka mid ahaa horumarinta deegaanka, waxbarashada, caafimaadka, iyo arimaha bulshada.

 

Qodobadii Shirk a ka soo baxay

1-     Waxaa la ansixiyey gudida qurba joogta Yoonis Abdiraxmaan

2-     Adkeynta  midnimada, wax wada qabsiga iyo horumarinta deegaanka, waxbarashada, caafimaadka iyo arimaha bulshada ee deegaanka beesha

3-     Waxaa la abuurey sanduuq dhaqaale

4-     Waxaa la isla qaatey xoojinta qabsoomida shirweynaha guud ee wadanka gudihiisa

5-     Xoojinta nabad galyada iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha kale ee ay beesha wada degaan

6-     Qurba joogta beeshu waxay ka soo horjeedaan ciidamada loo qortey shidaalka maadaama ay yihiin kuwo si gaar ah loo maamushay oo dana gaar ah laga leeyahay

7-     in shirweynaha qurba joogta beeshu uu ahaado mid sanadkiiba mar la qabto

Xubnaha Gudida Qurba Joogta

  1. Salaad Jamac Diiriye (Gudoomiye)  degan UK
  2. Yuusuf Suldaan Cali (Gudoomiye ku Xigeen) degan USA
  3. Faarax Xaaji Yuusuf Cabdi (Xoghaye) degan UK
  4. Siciid Yuusuf Cartan (Qasnaji) Degan Qatar
  5. Maxamed Cabdi Halac (Afhayeen) degan UK
  6. Cabdi Daahir Qodax (Xubin) Uk
  7. Faysa Axhmed Saxar (Xubin) USA
  8. Kinsi Dirir Xirsi (Xubin) Germany
  9. Faadumo Faarax Jees (Xubin) UK
  10. Shamis Yuusuf Cartan (Xubin) Germany
  11. Ismaaciil Sheekh Xuseen Khumayni (Xubin) Denmark
  12. Maxamed Xayir Ducaale (Xubin) Qatar
  13. Maxamed Cali Buur (Xubin ) Norwey
  14. Caasha Axmed Cali (Xubin) Australia
  15. Canab Jamac Maxamuud (Xubin) Holand
  16. Maxamed Abokor (Xubin) UK
  17. Cali Xasan Warsame (Xubin) Denmark
  18. Cumar Cali Ibraahin (Xubin) Uk

 

 

Ugu dambayntii shirkan waxa uu ku dhamaaday guul iyo is afgarad waxaana dadkii ka soo qayb galay ka muuqday farxad iyo wajiyo quruxbadan.

 

Salaad Jamac Diiriye

 

Gudoomiyaha Qurba Joogta Beesha Yoonis Abdiraxmaan