Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere oo sheegay inay maanta weerareen Xaruntii Afrikada Bari looga arriminaayay

Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii qorsheysnaa ee maanta dagaal-yahaanda Shabaabku ku ekeeyeen Xarunta Amisom looga arrimiyo ee Xalane.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Xaruntaasi ay ahayd middii looga talinaayay Geeska Afrika, ugana talineysay gaalada ku soo duushay buu yiri Geeska Afrika, isagoona ku faanay in maanta ay jab ballaaran u geysteen.

Isagoo qiil u sameynaaya weerarka ay ku qaadeen Xarunta Xalane oo Midowga Afrika uu ugu yeero White House, ayaa wuxuu ku sheegay in ay ku yaallaan godad lagu dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah, ee dunida daafaheeda kala duwan laga soo qab qabto.

Waxa kaloo uu sheegay in Ciidamadii Shabaabka ee weerarka geystay, ay si nabdoon ku gaareen dhismihii ugu weynaa ee ay Hay’adaha Reer Galbeedka ku lee yihiin Dugsigii Tababarka ee Xalane.

Cali Dheere, ayaa sidoo kale sheegaaya goobta ay galeen Shabaabku inaa loogu tala gelin askarta caadiga ah, marka laga soo taggo inay isugu taggaan Saraakiisha noocyadoodu kala duwan, sida uu sheegay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu tilmaamay in Shabaabku ay dul taggeen Saraakiil Cadaan iyo Afrikaanba leh, xilli aynaan heysan wax hub ah, iyagoo aan meeshaba ka fileynin in lagu soo weerari doono sida uu yiri, ayna halkaasi ku dileen ilaa 14 Sarkaal, oo afar ka mid ah uu Cadaan ku sheegay. Wuxuuna weerarkaan ku sheegay inay ku soo beegeen, iyagoo u dabaal degaaya ciidda masiixiga iyo xisaab xirka sanadka, sida uu yiri.

Dhanka kale Sheekh Cali Dheere, ayaan sheegin tirada Ciidamada Shabaabka ee weerarkaasi fulisay, marka laga soo taggo in dagaal-yahanadoodu ay u suurta gashay inay gudaha u galaan Xarunta White House-ka.

Ururka Midowga Afrika oo qoraal kooban ka soo saaray weerarkaasi, ayaa waxay sheegeen in afar ruux ku dhaawacantay weerarkaasi, oo saddex ka mid ah ay yihiin Ciidamada Amisom, halka qofka kalana uu rayid ahaa, sida ay sheegeen.
http://youtu.be/NqBIG0yNFbY