War Deg Deg ah– Korneyl caan ah oo lagu dhaawacay magaalada kismaanyo

imageKooxo hubaysan ayaa waxay goor dhawayd ku dhaawaceen magaalada Kismaayo isaga oo ku sugnaa Hotel Tawakal oo uu ka daganaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.
”Laba nin oo watay Qoryaha nooca loo yaqaan AK47 ayaa galay Hotelka uu daganaa dabadeedna Baas ku furay,xabadu waxay ka haleeshay Madaxa iyo Lugaha”Ayuu yiri goob jooge ku sugnaa Hotelka oo la hadlay Allholhol
Kooxaha dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana Ciidamadu ay wadaan baaritaan xoogan.
Col.Yaasiin ayaa horay u ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka Raaskambooni,waxaana sanadkii 2013-kii sidan oo kale loogu dhaawacay magaalada Kismaayo,ka dib markii Kooxo hubaysan ay Weerar ku qaadeen.
Diyaarad khaasa ayaa Dhaawaca Kornaylka u qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Salaanmedia/Kismanyo