War Deg Deg Ah Ra’izul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya

Wararka aan ka heleyno Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhaw Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay si buuxda codka Kalsoonida usiiyeen Ra’izul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.
cabdirashiid cali sharmaarke
Kahor inta aan codka Kalsoonida la qaadin waxaa xarunta Golaha Shacabka ka hadlay Cumar Cabdirashiid, oo ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay siiyaan codka kalsoonida si uu usoo dhiso xukuumad tayo leh.


Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xiligaa kadib waxa ay Codka Kalsoonida u qaadeen Ra’izulWasaaraha Soomaaliya , waxaan kulanka Baarlamaanka goob joog ahaa Xildhibaano gaaraya 218- Xildhibaan waxaana codka Kalsoonida siiyay Ra’izul Wasaaraha Cusub dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee kulanka soo xaadiray ma jirin cid diiday iyo waliba cid ka aamustay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Kulanka Baarlamaanka ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 224-Xildhibaan balse la waayay markii dambe 6-Xildhibaan , waxa uuna xusay in R/Wasaaraha uu helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka maadama ay u codeeyeen 218-Xildhibaan oo kulanka goob joog ka ahaa.

R/Wasaare Cumar Cabdirasdhiid ayaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiin karta hiigsiga cusub ee Sanada 2016-ka , waxaana la filayaa in maalmaha lasoo dhiso Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya.

 

Salaanmedia/Moqdisho