Warar dheerada,Qaraxyo xoogan oo hor leh oo laga maqlay Dhismaha White House ee Garoonka Aadan Cadde

imageQaraxyo waaweyn, ayaa waxaa goor dhow laga maqlay Dhismaha Ciidamada Midowga Afrika looga arrimiyo ee Xalane, laakiin uu Ururka Midowga Afrika uu ugu magac-daray (White House).

Qaraxyada, ayaa waxaa barbar socdo rasaas ay labada dhinac is weydaarsanayaan, waxaana adag in Ciidamada Amisom ay ku dhiiradaan inay gudaha u galaan xeendaabka ay cagaha kula jiraan dagaal-yahanada Shabaabka.

Goobta ay xilligaan rasaasta iyo qaraxyada laga maqlaayo, ayaa waxaa dhooban oo buuxa kuntuneero qaarkood ay dhex degan yihiin Ciidamada Amisom, kuwa dadka lagu baaro, kuwo daawooyin ku jira iyo kuwa kale oo ujeedooyin kale loo adeegsado.

Toddobo nin oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa la soo sheegayaa in ay u suurta gashay in ay gudaha u galaan Xarunta White House, ka gadaal markii ay ka soo gudbiyeen ilinka hore ee Madina Gate.

Shabaabka, ayaa Xarunta White House ku galay gaari booyad ah, markii ay bilowgii hore ee weerarka toogasho ku dileen askari ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, oo gaarigaasi la socday.

Barraha afka Shabaabka ku hadla, ayaa lagu xariiqay in weerarka oo weli ka soconaayo Xarunta Amisom, lagu dilay tiro Saraakiil oo cadaan ah, ha yeeshee aynaan xaqiijin dalalka ay u dhasheen.

Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Korneyl Cali Aadan Xumad, oo ka hadlay weerarkaan, ayaa wuxuu qiray in niman hubeysan ay gudaha u soo galeen Xarunta Xalane, laakiin wuxuu sheegay inay fashiliyeen oo ay ka hortaggeen, sida uu yiri.

Afhayeenka oo u waramay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xusay in ay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo qaabka ay raggaasi ugu suurta gashay, in ay gudaha u soo galaan Xaruntooda.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa waxay xaqiijinayaan in Xoogaga Shabaabka ay weli gudaha ugu jiraan Dhismaha White House, xaaladuna ay tahay mid aad u cakiran.

Salaanmedia/Moqdisho