XAFLAD LAGU XUSAAYEY MAALINTA QOOMIYADAHA DALKA ETHIOPIA OO KA QABSOONTAY MAGAALADA MELBOURNE EE DALKA AUSTRALIA. (SAWIRO)

XAFLAD LAGU XUSAAYEY MAALINTA QOOMIYADAHA DALKA ETHIOPIA OO KA QABSOONTAY MAGAALADA MELBOURNE EE DALKA AUSTRALIA. (SAWIRO)

 5

Waxa habeen hore oo taariikhdu ku beegnayd, Sabti, 20 December 2014. Ka qabsoomay magaalada Melbourne ee dalka Ustareeliya. Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Qoomiyadaha ka soo jeeda dalka Ethiopia ee ku dhaqan wadanka Australia. Xafladaas oo loo yaqaano HIDAAR.

Hadaba Xafladan oo runtii ahayd mid aad loo soo agaasimay isla markaasna ay ka soo qayb galeen dhamaanba bulshada qaybaheeda kala duwan iyo marti sharaf kaloo badan oo iyaguna goobtaas ku sugnaa.

Waxa hadaba xafladan ka soo qayb galay oo lagu soo casuumay Safiirka Guud ee Somaliland u fadhiya dalka Australia Mudane Mohamed Ismail Hussein (Balishire). Madaxweynihii hore ee Dawlad goboleedka Puntland. His Excellency, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole. Qunsulka guud ee dalka Somalia Mudane Yoonis Yaasin Xaashi, Wasiirka Madaxtooyada iyo xidhiidhka caalamiga ee Puntland His Excellency, Mohamed Abaas Omar iyo Safiirkii hore ee dawlada Somalia u fadhi jiray dalka Malaysia. His Excellency, Salaad Atoosh. Qunsulka Guud ee dalka Ethiopia. Mudane, Graham Romanes iyo Safiirka Guud ee dalka Ethiopia u fadhiya Qaarada Ustareeliya   His Excellency. Ambassador Arega H. Teffera. Iyo Dabcan marti sharaf kaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.  

Waxa kale oo farxad weyn ah in Wakiilka Somaliland uu casuumad rasmi ah ka helay Safiirka Dalka Ethiopia ee wadanka Australia horaanta sanadka danbe, hadii Alle idmo. Kulankaas oo ka qabsoomi doona caasimada dalka Australia ee Kanbeera (Canberra).

Hadaba isku soo wada duubo xafladan ayaa runtii ahayd mid aad loogu soo bandhigay ciyaaraha kala duwan ee u gaarka ah qoomiyadaha ku dhaqan dalka Ethiopia ee Somaliduna ka midka tahay. Xafladan ayaa hadaba ahayd mid ka mid ah xafladaha kala duwan ee sanad kastaba lagu qabto dalweynaha Ustareeliya.

 

 Mohamed Ismail Hussein (Balishire)

Wakiilka Guud ee Somaliland ee Dalka Australia.

 1 2 3 4 5 6 7