Xildhibaano afka maryo cad kusoo xidhay oo ku dhax mudaharaaday Fadhi ay lahaayeen…

image

 

 

 

 

 

 

 

 

Xildhibaano katirsan Koongarayska dalka Spain, ayaa soo jiitay Warbaahinta Dalkaasi iyo kuwa caalamka intaba, kadib markii Kulanka Baarlamaanka ay kasoo qeyb galeen iyaga oo afka marya cad cad kusoo xidhay.
Xildhibaanadan afka soo xidhay oo tiradooda gaareyso ilaa 7-Xildhibaan ayaa ku dhax mudaharaaday fadhiga Baarlamaanka Dalkaasi, waxaana fadhiga Baarlamaanka Dalka Spain looga doodayay Shuruuc ka dhan ah dibad baxyada ay soo gudbisay Dowlada.
Mudanayasahan tirada yar ayaa soo jiitay indhaha Warbaahinta kulankaasi goob jooga ka aheed, waxaana hakad gashay Doodii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka lahaayeen shuruuc dawladu soo gudbisay oo xakamaynaya dibad baxyada isla markaana lagu cadaynayo danbiyada ka dhalan kara ku xad gudubka xuquuqda iyo hantida shacabka ama gaarka loo leeyahay, Xildhibaanada ayaana markii dambe iska furay maryihii afka ay ku xirteen si caadi ahna uga sii qeyb qaatay kulanka Baarlamaanka.

Salaanmedia/Mogdisho