Aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladda Uu Dalka Ku Suganyahay Gaar Ahaan Arrinta Warshadda Laydhka .

imageLondon(SM)- Gudoomiyaha Golaha Aqoonyahanka Somaliland Ee Dalka UK Aqoonyahan Xasan Jaamac Bacad oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda uu dalku ku suganyahay waxaanu sheegay in xaaladda dalku meel khattara ku sugantahay waxaanu aqoonyahanku soo qaaday dhibaatada ka taagan Gobladda Darafyada Somaliland iyo arrinta la xidhiidha Warshadda laydhka .

Aqoonyahan Xasan Bacad ayaa ku dheeraaday xaaladda uu dalku ku suganyahay waxaanu sheegay in xukuumaddani tahay tii ugu musuq maasuqa badnayd isagoo ku baaqay in laga wada tashado sidii looga hor tagi lahaa .

Sidoo kale waxaa uu aqoonyahanku soo qaaday kana hadlay dhalinyarada habeenkii rabashada sameeya waxaanu tilmaamay in maamul xumada xukuumaddu sabab u tahay arrintaasi .

Aqoonyahanka ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu warshadda laydhka uu iibiyay isla markaana uu ka iibiyay ganacsato sidoo kale aqonyahanku waxaa uu hoosta ka xariiqay sida madaxweyne siilaanyo u kala qaybiyay bulshada reer somalialnd waxaan yidhi “ Waxaa la idin kala qeybiyay in aydaan isa salaamin Axmed Siilaanyo wuxuu ka shaqeeyay sidii aanay isku salaami lahayn labadi ilmaabtiga ahaa . labadii ilmaadeerka ahaa . labadii habarwadaaga ahaaa . labadi aabayaashood saaxibka ahaayeen in aanay isa salaamin ee ay kala qabiil noqdaan issaguna wuxuu doonayo intuu idinka dhameesto ninka doonana in uu saqda dhexe u dhaco oo uu xidho ninku doonana uu caydheeyo ninku doonana in uu wax siiyo muu qarsane tv-ga ayuu isla soo taagay wax allaale iyo wax aan idin waydiinaya ma jirto waxaan doono ayaan sameenaya ayuu yidhi , sharci la jabiyo oo ka wayn muu dhicin golaha wakiiladuna way maqlayaaan oo waxba kamay qaban dastuurkii iyo kitaabkii uu ku dhaartayna meel ayuu iska dhigay maanta wax aanu ku haleenayno axmed siilaanyo ma jirto …”

Aqoonyahan xasan jaamac bacad ayaa bulshada ugu baaqay in xumanta ay xukuumaddu waddo meel looga soo wada jeesto oo aan la noqon qoysas waxaanu yidhi “ Waxaan leenahay Bulshooy waar xumaantu madaxdeenu waddo aynu meel uga soo wada jeedsanno oo yaynaan qoysas u kala bixin oo yaynaan u kala bixin qabaa’il oo yaynaan u kala bixin taajir iyo faqiir , jidh qudha ayaynu nahay oo qof qudhaynu nahay oo somalialnd ah laxaadkaaga haddi qeyb ku xanuunto jidhkoo dhan wuu xanuunayaa bulshada waxeeda la boobayaan waxay la mid tahay qof waaxyihiisa la goynayo axmed siilaanyo ka masuulaaa axmed siilaanyo wuxuu sameenayo wax fudud maaha wuxuu kala fogeeyay golihi wakiilada iyo shacabkii soo doortay , shacabkii soo doortay meelbay tubanyihiin oo ay ka qaylinayaan wakiiladana geed ayay ugu xidhanyihin madaxweynaha oo wuu iibsaday hawlaha soconayaa hadaanu nahay golaha aqoonyahanka kama aamusaynoo kama daalayno .lanama xajjin karo lamana qaboojin karo waa farriin aaanu diraynoo oo aaanu gaadhsiinaynoo dadwaynaha hadalkayagu wuxuu si toos ah ugu socdaan qoyska madaxdaa oo aanu leenahay hadaanu khaldannahay ha lana qabto haddi kalena ha lannagu raaco oo qabta odayasha dhibaatada iyo xumaanta wada .”

 

Aqoonyahanka ayaa u mahadnaqay Boqor Raabi . Ururka Jiidaali oo uu sheegay in ay ka mid yihiin bulshada sida adag ula dagaalama xaq darrada iyo maamul xumada dalka ka socotaa .

Salaanmedia/Hargaysa