Buuhoodle yaa xukuma: xaaladda siyaasadeed ee dhabta ah ee ka jirta deegaanka Buuhooodle; madaxweynaha Somaliland iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo labaduda ay dhagax dhigeen laba magaalo oo ka wada tirsan gobolka Togdheer(Coodanle iyo xadhadhanka oo 20km isu jjira)

unnamed (1)

Buuhoodle yaa xukuma: xaaladda siyaasadeed ee dhabta ah ee ka jirta deegaanka Buuhooodle; madaxweynaha Somaliland iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland oo labaduda ay dhagax dhigeen laba magaalo oo  ka wada tirsan gobolka Togdheer(Coodanle iyo xadhadhanka oo 20km isu jjira)

Deegaanka buuhoodle oo ka tirsan gobolka  Togdheer ayaa noqday hal xidhaale lagu wareeray fardaamintiisa tan intii dagaaladu ka qarxeen deegaanka kalshaale. Hadaba dhawaan waxaan socdaal ku tegay magaalada buuhoodle iyo deegaanka ku xeeran. Waxa aad u kala fogaaday sida aan markii hore ka aaminsanaa iyo waxa aan kala kulmay. Akriste bal aad u dhugo warbixintan kooban ee aan ka diyaariyay socdaalkaygii aan ku tegay Buuhoodle.

=Xaaladda siyaasadeed=

Magaalada buuhoodle hadda waxay xarun u tahay maamulka isku magacaabay khaatumo ee Cali KHalif  Galaydh hogaamiyo. Guri kasta iyo geed kasta waxa ka babanayay calanka khaatumo oo ah calankii Somalia oo dhinaca danbe faraskii dhoodimeer uu kaga yaaallo. Waxa kale oo magaalada  aad uga dhex muuqday  calanka Somalia oo saafi ah, waxa meesha isna aan ka maqnayn calanka Puntland oo dadka qaar siteen guryaha qaarna ka babanayay. Xilliga aan Buuhoodle joogay waxa isna ku sugnaa madaxweyne ku xigeenka Puntland oo si diirran loogu soo dhahaweeyay.  Buuhoodle waxaan ku soo arkay ciidan aan tiro yarayn oo wata gawaadhi qaarkood gaashaaman yihiin oo si aan kala go’ lahayn u qulqulayay jidadka magaalada oo ay wateen khaatumo. Inkastoo Buuhoodle tahay magaaalo ku taal ciidda Somaliland  kana tirsan gobolka Togdheer, haddana ma jirto wax raad Somaliland ah oo aan ku soo arkay Buuhoodle iyo deegaanka ku xeeran. Intii aan joogay kuma arag meel kaliya oo agu hayo calanka Somaliland oo indhahaygu si weyn u tebayeen. Lacagta Somaliland kama shaqayso Buuhoodle oo waxba lagaaga iibin maayo, aniga laftayda ayaa laygu qabsaday oo laygu qayliyay mar aan damcay inaan meherad wax kaga iibsado. Lacagta lagu qaato ee ka shaqaysaa waa Somalia waxaana ugu yar kunka shilin, lacagta itoobiya ee loo yaqaan birta waa lagu qaataa laakiin dadka deegaanku ma jecla socodsiinteeda. Buuhoodle xilligaas aan booqday waxa ku sugnaa wefti ka socota Somaliland oo deegaanka u dhashay waxaana ka mid ahaa wasiirka caafimaadka Somaliland Md Xaglatoosiye iyo gudomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada somalilannd Md  Baashe. Gaadiidka ay wateen waxa laga furay taarikadii dawladda Somaliland oo muu jirin gaadhi leh taariko GT ah oo dhex mari karayay Buuhoodle; baabuurta ay wateen weftida Puntland lagama furin taarikadooda ee si xorriyad leh ayay u dhex marayeen magaalada. Dadka deegaanku waxay ii sheegeen in calanka Somaliland ka  lushay Buuhoodle intii ka horraysay dagaalkii kalshaale, lacagta somaliland lafateeduna ay si fiican uga shhaqayn jirtay deegaanka waxii ka horreeyay dagaalkaas. Dagaalkan kalshaale ayaa xasuus xanuun badan ku reebay shacabka reer Buuhoodle oo ay ku tilmaameen xasuuq si badheedh ah loogu geystay oo loo adeegsaday ciidamada qaranka somlaliland dad shacab ah oo aan quwad ahaan u dhigmi Karin. Waxa lay tusay oo aan u daawasho tegay taallo beebee agyaallo oo loogu talo galay in la sooro kaas oo lala sugayay wiishkii saari lahaa. Taalladan beebee-ga waxay ii sheegeen inay  la mid tahay taallada Hargeysa ee diyaaraddu saarantay.

Shacabka ku dhaqan deegaaanka Buuhoodle waxa intooda badan ay aaminsanyihiin maamulka la magac baxay khaatumo qiyaastii 80% dadka aan arkay waxay si xamaasad leh u taageersanyihiin khaatumo. Dadka qaar deegaaanka ku sugan waxa ii sheegeen in ay Somaliland ahaan lahaayeen laakiin ay ayadu dayacday oo ay dan ka geli weyday. In kastoo calanka Puntland aan ku arkay hadana waxa aan soo hubsaday in aan laga jeclayn Puntland deegaanka Buuhooodle cidda taageersanina ay  reer nimo u sidato calanka. Maamulka la magac baxay Khaatumo ayaa si buuxda uga taliya deegaankaa Buudoodle waxa shaqaynaya hay’adihii amniga iyo dawladii hoose oo si toos ah uga hawl gala deegaaanka. Dhamaaan maagaalooyinka ku teedsan xuduudka kala qaybiya Somaliland iyo itoobiya waxa hadda ku sugan ciidamada khaatumo, waxa kamid ah magaalooyinkaas; Buuhoodle,  Qararro,  Xamar-lagu-xidh,  Balli-cad,  Saaxdheer, Qoriley iyo Buucane(siday isugu xigaan weeye) waxa dhamaantood haysta ciidamada  Khaatumo. Ciidamada Somaliland oo markii hore gaadhay xuduudda, way ka baxeen hadda oo waxa kuwooda ugu soo horreeyaa fadhiisin ka dhigteen tuulada Kala baydh. Nin sarkaal ah oo ka tirsan maamulka la magac baxay khaatumo ayaa waxa aan weydiiya su’aah ah bal inuu ogyahay in xuduudda Somaliland uu jeexay gumaystihii ingiriisku oo aanay waxba ka duwanayn tan itoobiya?. Waxa uu ku jawaabay waan ogahay taas laakiin Somaliland lafteeda ayaa ku danbayn doonta federal oo Somalia ayay hadda wada hadallo kula jirtaa ilaa haddana natiijada aannu haynaa waa in federal imanayo taasina waxay nagu dhiirri gelisay in aannu yeelanno maamul noo gaar ah oo federalka ka qayb gala. Madaxweyne ku xigeen Puntland oo socdaal ku joogay Buuhoodle waxa la ii sheegay in uu ka soo wareegay kor iyo xagga gaal-kacyo oo aanu soo dhexmarin ciidmada Khaatumo. Subaxii aan ka soo tegayay Buuhoodle waxa isna kormeer shaqo u baxay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo maray deegnka ku xeerann Buuhoodle ee weliba xagga magaalada Burco kasii xiga waxa uu soo gaadhay tuulada loo yaqaan Xadhadhanka oo 20km u irta magaalada Coodanle. Tuulooyinka uu marayay madaxweyne ku xigeenku waxa uu qaarkood xadhiga ka jaray dhismayaal uu sheegay inay Puntland hirgelisay halka uu qaar kalena dhagax dhigay, geesta kale waxa uu sheegay in dhulkan uu marayaa uu yahay carro Puntland.  Xilligaas madaxweyne ku xigeenka Puntland socdaalka ku marayo magaalooyin ka tirsan gobolka Togdheer waxa isna socdaal ku marayay madaxweynaha Somaliland, Siilaanyo oo ku sugnaa magaalooyin ayana ka tirsan isla gobolka Togdheer!!!!. Madaxweynnaha Somaliland waxa uu dhagaxdhigay dhismeyaal laga hirgelin doono magaalada coodanle, madaxweyne ku xigeenka Puntland asna waxa uu dhagaxdhigay dhisme kale oo ku yaal magaalada xadhadhanka oo 20km keliya u jirta Coodanle!!!!. Bal is wedii gobolka Togdheer ma laba dawladood ayaa xukuma mise saddex mise ka badan!!!!!!.

= xaaladda bulsho ee Buuhoodle=

Magaalada buuhoodle waxa aad ka dareemaysaa in dhamaan adeegyada bulshada ay dib uga dhacday. Dhamaan adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha ayay cabasho weyn ka muujiyeen dadka deegaanku. Inkastoo magaalada Buuhoodle ay jiraan ilaa  todoba iskuul oo shaqyeeya( saddex hoose dhexe, laba dugusi sare iyo maxad. Waxa intaas weheliya dugsi hoose/dhexe oo itoobiyaanku fureen) hadana waxa la ii sheegay inaanay dadku aad wax u baran. Magaalada waxaan kaloo ku arkay jaamacad ka furan oo la yidhaahdo Bariga Afrika. Buhoodle marka aad gasho waxa aad adreemaysaa sixir barar aad u daran oo saameeyay dhamaan maceeshada gaar ahaan cuntada taas oo laba jeer ka qaalisan tan Burco.

Rajada keliya ee dadka deegaanka Buuhoodle qabaan waxa weeye isbedel siyaasadeed oo ka dhaca Somaliland. Waxay ii sheegeenn hadii isbedelkaasi yimaado in waxbadani deegaanka iska bedeli doonaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

 

By : Cabdixakiim   Muuse     Cali  

mascuud60@hotmail.com

 

=   

Â