Daawo Sawiro..Raiisal Wasaaraha Somaliya Oo Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Britain Ee Somaliya ..

b1d7f841jan 11,2015 Muqdisho(SM)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay Safiirka Britain ee Somaliya Amb. Neil Wigan.

Labada dhinac, ayaa waxay ka wada hadleen in la xoojiyo xiriirka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Britain, haddii uu soo idlaaday xiriirkii Britain ay la laheyd Xafiiska Ra’iisal Wasaarihii hore Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Sidoo kale labada dhinac waxay ka wada hadleen in dhidhibada loo askumo barnaamijyada ugu muhiimsan ee Xukuumadda, sida in la dhiso Guddiga Doorashooyinka sanadka 2016-ka, in la dardargeliyo Barnaamijka Federalism-ka iyo dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Britain waxay ka mid tahay dalalka sida dhow ula socdo dhaq dhaqaaqyada siyaasadda Somaliya. Britain waxay qayb ka tahay Dowladaha Reer Galbeedka ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya barnaamijyada Dowladda.

Kulankaan waxa uu ku soo aadayaa, xilli caqabado ay hareereeyeen magacaabidda Golaha Wasiirada cusub Somaliya, maadaama mad madow uu soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub.
21dfb08a

Salaanmedia/MuqdishoÂ