Daawo Sawiro…Shir sanaddeedkii xisbiga WADDANI Laanta Finland oo qabsoomay iyo Taagerayaal cusub oo ku soo biiray WADDANI…

Shir sanaddeedkii xisbiga WADDANI Laanta Finland oo qabsoomay  iyo Taagerayaal cusub oo ku soo biiray WADDANI

03

Helsinki-(SM)-Waxa maalintii sabtida  ahayd  10.01. 2015 ka dhacay magaalada Helsinki ee wadanka Finland shir sanaddeedkii xisbiga WADDANI laanta Finland. Shirkaas oo ah mid si heer sare ah losoo agaasimay kana soo qayb galeen ergooyin faro badan oo ka kala yimid goboladda dalka iyo dhamaan laamaha ka jira goboladda oo dhan.

04

Waxay laantu soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay iyo waxqabadka  laanta  u qorshaysan  sanadkana cusub ee 2015. Madaxdii laanta ee goobtaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Laanta ee garabka dhalinyaradda Mudane Suldaan Siciid iyo Gudoomiyaha Garabka haweenka ee Laanta Finland Marwo Xaliimo iyo madaxda laamaha sida gudoomiyaha laanta ee gobolka Turku Eng. Jamaal C/laahi Xassan.

08

Waxa shirka sidoo kale  lagu soo dhaweeyay taagerayaal cusub oo WADDANI kusoo biiray kuwaas oo kasoo baxay xisbiga Kulmiye iyo Ucid.Taagerayaasha kusoo biiray xisbiga ee laanta Finalnd ayaa waxa ka mid ah …mudanne Cawil  C/laahi Xayd oo ka mid  ahaa madaxda UCID  ee laanta Finland iyo taagerayaal badan oo kasoo jeeda gobolada galbeedka S/land oo uu horkacaayo mudanne Bijoot.

 02

 

Intaas ka dib waxa gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI ee Laanta Finland  mudanne Axmed Weli C/laahi Khaliif uu sheegay inay soo dhaweenayaan tageerayaasha cusub ee kusoo biiray xisbiga ,xisbiguna yahay xisbi loo wada simanyahay.

unnamed (1)

Waxa hadalkaas gudoomiye ku xigeenka ka dib soo xidhay  shirka Gudoomiyaha Laanta Mudanne C/raxmaan Ibrahin Carten oo aad uga waramay waxqabadka guud ee laanta iyo waxyaabaha ay higsanayso,  sidoo kalena wuxuu aad ugu mahadnaqay ergooyinkii iyo dhamaanba taagerayaashi kasoo qayb galay shirka guusha kusoo dhamaaday.

 unnamed (2)

Gudoomiyaha  xisbiga WADDANI

Laanta Turku/Finland

Eng. Jamaal C/laahi Xassan